4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Golaha Deegaanka Hargeysa oo Maanta Meel-mariyay Tariifada ay ka Qaadi doonaan Ganacsatada Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa, ayaa maanta ka dooday tacriifada laga qaado ganacsatadda caasimadda Hargeysa.

Kalfadhigan saddexaad ee golaha deegaanka Hargeysa, ayaa waxa shirgudoominayey gudoomiyaha golaha ahna maayarka Hargeysa, Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko)), waxaana halkaasi lagu soo bandhigay tacriifaadka ay dawladda hoose qaaddi doonto iyo qaybaha ay ka kooban yihiin.

Golaha deegaanka ayaa sheegay in muddo dhawr iyo toban sanno ah aan wax isbedel ah lagu samayn cashuuraha la qaado, isla markaana ay jiraan qaybo badan oo cashuur ah oo aan la qaadi jirin oo ay dawladda hoose ahayd inay qaado oo hadda lagu daray miisaaniyadda sanadkan la qaadi doonno.

Xildhibaanadda ayaa ka dooday meelaha ku haboon in wax laga qaado iyo sidii shirkadaha waaweyn ee magaaladda ka shaqeeya looga qaadi lahaa cashuur u qalanta, iyadoo sheegay in ganacsatada wadatadda lacagta maalinlaha ah ee laga qaado ay sanadkii u dhiganto ta laga qaado shirkadaha waaweyn.

Guddida dhaqaalaha ayaa tacriifta ay dawladda hoose qaado u qaybiyey toddoba qaybood oo kala hooseeya, kuwaas oo soo bandhigay korodhka miisaaniyad sanadeedka ay filayaan inay soo xerayn doonto.

Sidoo kale, waxaa hoolalka shirarka golaha deegaanka lagu soo bandhigay qaab casriyeysan oo guryaha magaaladda Hargeysa lagu diiwaangelinayo, isla markaana lagu shubayo Computer-ka , iyagoo illaa hadda la diiwaangeliyey 59,000 oo guri, isla markaana guri kasta siduu u dhisan yahay, dhismayaasha ku xiga iyo wadooyinka hormaraba uu tilmaamayo.

Dhinaca kale, waxa shaqaalaha oo uu horkacayo maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko olole lagu gurayo dhagaxaanta horyaalla xaafadaha degmadda 26 june oo ay hore amar uga soo saareen ka gureen, isla markaana lagu dhisi doono Garoonka xawaadle ee magaaladda Hargeysa.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland