4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Maamulka Hiiraan oo Maanta Agab kala duwan oo Caafimaad ku Wareejiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta ku wareejiyay howl-wadeenada isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne qalab caafimaad oo muhiim u ah marka la eego bukaanada ku jira isbitaalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo deeqda ku wareejiyay maamulka isbitaalka ayaa sheegay in deeqdan tahay mid ka timid hay’adda lagu magacaabo Physicains Acorss Continents oo soo marisay sida uu sheegay wasaarrada caafimaadka dowladda Soomaaliya, isaga oo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo heli lahaa qalabka wax weyn ka u tari doona bukaanada ku jira isbitaalka.

Dr. Xassan Cumar Siyaad oo ka mid ah howl-wadeenada isbitaalka oo ka guddoomay deeqda maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka mahad celiyay agabka la soo gaarsiiyay, waxaana uu sheegay in mar walba isbitaalku soo dhaweynayo cid kasta oo gacan ka siineysa habsami u socodka howlaha uu u hayo bulshada ku dhaqan gobolka.

“Sida aad arkeysaan waxaan ka guddoonay maamulka gobolka 40 sariirood iyo firaashkii lagu gogli lahaa, runtii waa sariiro casri ah oo wax walba u dhameystiran yihiin, xitaa haddii uusan bukaanku awood u laheyn in uu fariisto waa sariiro u sahli kara in isaga oo jiifa uu dawadiisa ama cunada qaata, waayo waxaa la socdaa miis casri ah oo u sahlaya bukaanka,’’ ayuu yiri Dr Xassan Cumar Siyaad.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa marka laga soo  tago wasaarrada caafimaadka iyo hay’adda deeqdan soo dirrtay, sidoo kale u mahad celiyay shaqsiyaad sida uu sheegay gacan ka geystay siddii uu isbitaalku u heli lahaa kaalmadan soo gaartay.

“Cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo heli lahaa deeqdan waan u mahad celineynaa, annaga ka maamul ahaa isbitaalka muhiimad gaar ah ayuu noo leeyahay, sidaa daraadeed waxaan xoogga saarin doonaa socodsiinta howlaha iyo adeegyada kala duwan ee uu bulshada u hayo,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Inkastoo xiligan aysan jirin hay’ad caalami ah oo gacanta ku heysa isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, ayaa dhinaca kale marka la eego waxaa xiligan kaalmeeya NGO-yo isku tagay si ay dabuulaan baahiyaha kala gadisan ee isbitaalka la soo darsa.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya