4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2013
Hay'adda samafalka ee HARO oo deeq lacageed soo gaarsiisey qoysaskii ay duufaantu cayraysay ee Puntland (SAWIRRO)

Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Hay’adda samafalka ee HARO ayaa deeq lacageed soo gaarsiisey dadkii ku cayroobey roobabkii duufaanta watey ee lix toddobaad kahor ka da’ay qaar kamid ah gobollada Puntland.

Roobabkaas oo ay dad iyo duunyo badani ku dhinteen, waxaa khasaaraha ugu badni uu kasoo gaarey qaysas xoolo-dhaqato ah oo ku noolaa inta u dhexeysa degmooyinka Eyl, Dangorayo iyo weliba Bayla.

Guddoomiyaha Hay’adda Haro  Cali Xaaji Cabdinuur, ayaa deeqdan oo ka timid jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka, wuxuu ku wareejiyey guddiga culimada ee loo xil saaray qaybinta iyo weliba ururinta deeqaha dadka ay duufaantu cayraysay loogu tala galay.

Lacagta ay HARO guddiga culimada ku wareejisey waxaa lagu gaday 650 neef oo ari ah, xoolahaas oo qayb ka ah kumannaan neef oo loo iibiyey qoysaskii  ay xooluhu ka dhamaadeen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Guddoomiyaha Hay’adda Haro Cali Xaaji C/nuur wuxuu dhinaca kale booqasho ku tegey degmada Buurtinle iyo deegaano hoos taga, halkaasoo uu kusoo arkay qoys dhan oo xanuunka dhimirka qaba iyo weliba qoysas reer guuraa ah oo degmada Buurtinle usoo barakacay, kaddib markii ay xoolihii ay dhaqanayeen ka dhammaadeen.

Hay’adda Haro ayaa sidoo kale guri aqal Soomaali ah waxay u dhistay Axmed Xasan oo ah aabe reer-guuraa ah, kaasoo 5 carruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ay duufaantu dishey.

Hay’adda HARO oo ah hay’ad samafal oo fadhigeedu uu dalka Maraykanka yahay, waxay ka shaqeysaa dalal badan oo Africa ka tirsan, waxayna dhowaan xafiis ka furatay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Putland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya