4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Culummada Puntland oo ugu baaqay Xubnaha Baarlamaanka Puntland inay ka Fogaadaan Musuq-maasuq iyo nin jeclaysi


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Culumaa’uddiinka Puntland ayaa xilligan billaabay barnaamijyo wacyi-gelin ah oo ay ku doonayan sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho nabdoon oo lugu wada qanco.

Xalay waxaa ka billowday masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe nadwo  diini ah oo ay soo qabanqaabiyeen culmaa’uddiinka magaaladaas, waxaana kasoo qayb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hadallo ay jeediyeen culumaa’uddiinka waxaa ay kusoo qaadeen ahmiyadda nabadgalyada iyo faa’iidada maamulku u leeyahay mustaqbalka ummadda, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay in dhexda loo xirto sidii doorashada ka dhici doonta Puntland u noqon lahayd mid nabdoon.

Culummadii ka hadashay arrimaha la xiriira doorashada sannadka cusub ka dhacusa Puntland, waxaa ka mid ahaa, Sheekh C/qani Qorane Maxamuud, wuxuuna hadalkiisa kusoo qaaday faarriin uu u diray xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Puntalnd, isagoona ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuq iyo nin jeclaysi.

"Halkan waxaan farriin u marsiinayaa walaalaheenna ka mid noqon doona baarlamaanka soo socda ee dhawaan la magacaabayo, waxaad tihiin wakiil shacabka, waxaa la idin kaga baahan yahay dantiina inaad ka hor marisaan tan shacabka oo ad u joogtan miiqamka la idin doortay, waxaana idin kugu baaqayaa oo an idinka codsanayaa inaad ka fogaataan musuq-maasuq iyo nin jeclaysi, qofka aad u soo magacaabaysaan talada shacabka ha noqdo mid kasoo bixi kara oo ay daacad ka tahay," ayuu yiri Sheekh Cabdiqani oo baaq u dirayay xubnaha baarlamaanka cusub ee Puntland.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday Sheekhu in sababaha uu dalka ugu bixi waayay dhibaatooyinka ay tahay musuq-maasuq ku baahsaan guud ahaan dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in ALLE loo noqdo oo xilli kasta la muujiyo cabsiga iyo in adduunkan laga tagayo, wuxuuna intaa ku daray in dadweynaha Puntland si wadajir ah u ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida.

Ugu dambeyn, culummadu waxay ka codsadeen musharraxiinta u tar-tamaysa hoggaaminta Puntland iyo madaxweyne Faroole oo ka mid ah musharraxiinta inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada-hadall.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya