4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
AMISOM oo raalli-galin ka bixisay Dhimashada laba ruux oo Soomaali ah oo mid ka mid ah Gaadiidkoodu ku jiiray Muqdisho


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan howlgalka AMISOM ee Somalia Maxamed Saalax Anadif ayaa war ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku muujiyay in uu ka xunyahay geerida ku timid laba ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo uu jiiray gaari ay lahaayeen ciidamada howlgalka u jooga magaalada Muqdisho ee AMSOM.

Shilkan ayaa dhacay maalinamadii jimcada aheyd ee la soo dhaafay, waxaana uu ka dhacay meel aan wax badan ka fogayn Bankiga dhexe e Soomaaliya ,iyadoo ay jireen dad goob-joog ka ahaa xilligii uu shilkaasi dhacayay.

“Baaritaanno arintan la xiriira ayaa socda hadii si rasmi ah qaladkan loogu helo dhinaceena tallaabada ku haboon ayaa la qaadayaa,“ ayuu yiri Annadif oo xusay in darawalkii gaariga waday uu  shoog daran galay ka dib markii uu labada ruux  maray.

Labada qof ee gaariga AMISOM uu  jiiray ayaa la socday mooto,waxaana goobta ku dhintay mid ka mid ah, halka kan kale uu geeriyooday intii loo waday isbitaalka ayaa lagu soo daray war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska danjire Annadif.

“Waan ka xunnahay shilkaas,aniga oo ka raali-galinaya qoyskii uu qasaaraha so gaaray “ayaa mar kale lagu yiri warka uu soo saaray Anaadiif, iyadoo wali  ay jiraaan cabashooyin kala duwan oo laga qabo shilalka caynkan o kale ah.

Sidoo kale wakiilka aya war-saxaafadeedkiisa ku soo daray in wadayaasha gaadiidka AMISOM ay haystaan tababar fiican oo la xiriira maaraynta gawaaridooda, waxaana uu tilmaamay in ay wada shaqayn sare la yeelan doonaan ciidamada taraafikada ee magaalada Muqdisho.

Ugu danbayntii dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay jawaab ka bixiso dhacdooyinka qaar ee ciidamada AMISOM ay ka  gaystaan magaalada Muqdisho, waxaana soo baxayay baaqyo kala duwan oo dowladda loo jeedinayay, taasoo ku aadan in arimahan ay wax ka qabato.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]