4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Dhakhaatiir Suuriyaan ah oo uu ku jiro dhakhtar dhaawac ah oo Muqdisho ka dhoofay iyo Mudaaharaad ay dhigeen Arday (SAWIRRO)


Axad, December 22, 2013 (HOL) — Laba dhakhtar oo uu Suuriyaan ah oo uu ku jiray mid ku dhaawacmay weerar 18-kii bishan ka dhacay duleedka Muqdisho oo lagu dilay saddex dhakhtar oo Suuriyaan iyo dhakhtar Soomaali ah ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa toddobaadkii hore weerar ku qaaday gaari ay la socdeen dhakhaatiirtan oo ku socday isbitaal ku yaalla duleedka Muqdisho oo lagu magacaabo Fiqi, iyadoo lix qof ay ku dhinteen weerarkaas, kuwaasoo kala ahaa saddex dhakhtar oo suuriyaan ah, mid Soomaali ah iyo laba qof oo mid uu ahaa darawalkoodii iyo ruux ilaalada ka mid ahaa.

Boqolaal arday ah oo wax-ka-barta jaamacadaha Muqdisho ayaa garoonka afaafkiisa hore ka dhigay dibadbax ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin weerarkii lagu laayay dhakhaatiirta Suuriyaanka ah oo qaarkood macallimiin ka ahaa jaamacadaha Muqdisho.

Dr. Maahir Xuseen oo ku dhaawcmay weearkii lagu dilay dhakhtarkii Suuriyaanka ahaa iyo midka kale oo wariyeyaasha la hadlay intii gaaroonka aysan ka dhoofin ayaa sheegay inay ka xun yihiin saaxiibbadoodii Soomaaliya lagu dilay iyo inaan weli kooxihii dilkooda fuliyay lasoo qaban si loo horkeeno caddaaladda.

“Halkan (Soomaaliya) waxaan u nimid inaan dadka Soomaaliyeed caawinno balse waa nasiib-darro in qaarkeen la laayo; iyadoo aanay jiri dhibaato ay geysteen oo la tilmaami karo,” ayuu yiri Dr. Maahir.

Sidoo kale, dhakhaatiirtan midkood uu dhaawaca qabay ayaa xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeyaan sidii kooxihii dilka geystay loo horkeeni lahaa sharciga.

Agaasimaha Isbitaalka Fiqi, Dr. C/raxmaan Macalin Fiqi oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii lagu dilay qaar ka mid ah dhakhaatiirtii Suuriyaanka ahaa ee ka howlgalayay isbitaalka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska qabtaan kuwa aan doonayn in gurmad caafimaad loo fidiyo.

Dhanka kale, qaar ka mid ah ardaydii dibadbaxa dhigayay oo saxaafadda la hadlay ayaa iyaguna sheegay inay aad uga xun yihiin falkii foosha xumaa ee lagu dilay dhakhaatiirta Suuriyaanka ah, iyagoo watay boorar lagu muujiyay sawirradii dhakhaatiirtii la dilay.

“Aad ayaan uga xunnahay dilka dhakhaatiirtan waxay ahaayeen kuwo qaar ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ee caafimaadka laga dhigo ka bixin jiray casharro dhinaca caafimaadka la xiriiray, runtii faa’iido badan ayaan arday ahaan ku qabnay,” ayay yiraahdeen ardayda dibadbaxa dhigayay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loosoo qabtay weerarkii todobaadkii hore lagu dilay qaar ka mid ah dhakhaatiirta Suuriyaanka ah ee howlaha caafimaad ka waday Soomaaliya, balse madxweynaha ayaa horay ugu baaqay in kooxihii ka dambeeyay weerarkaas lasoo qabto lana horkeeno caddaaladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya