4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2013
Dood ku saabsan Xeerka Qabyada ah ee saxaafadda Soomaaliya oo Maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Axad, December 22, 2013 (HOL) — Kulan looga doodayay xeerka saxaafadda qabyada ah dalka ee ay soo diyaarisay wasaarrada warfaafinta, kana qayb-galeen dhamaman qeybaha kala duwan ee suxufiyiinta gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay degmada Beledweyne.

Kulanka oo sidoo kale ay fududeysay ama gacan ka geysatay qabashadiisa hay’adda INTERNEWS ayaa furitaankiisa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Afrika AMISOM.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadlay furintaanka kulanka dooda ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan ka maamul ahaan soo saarista sharciga saxaafadda, waxaan uu ku booriyay dhamaan ka qeyb-gallayaasha dooda in wax badan isla fiiriyaan xeerka si loo soo saaro sharci leysku wada waafaqsan yahay.

Maxamuud Daahir Cadaani oo ah la taliye sare oo ka tirsan wasaarada warfaafinta ka hor dooda guud mar ku sameeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu xeerku soo maraya iyo waliba baahida loo qabo in la hello aragtida iyo fikirka guud ahaan bahda warbaahinta, isaga oo sheegay in ay horay u soo mareen qaar ka mid ah gobollada dalka.

Ka qeyb-gallayaasha dooda oo loo qeybiyay nuqullo ka mid ah xeerka ayaa bilaabay in ay ka doodaan qodobada ku jira qaarkood, oo ay u arkayeen in wax badan faah faahin laga bixyo, halka meelaha qaarna ay ku kordhinayeen aragtidooda iyo sida ay jeclaan lahaayeen in loo dhigo.

Su’aalaha inta badan ka soo dhax-baxay xeerka waxaa si toos ah uga jawaabayay Max’uud Daahir Cadaani oo ka socda wasaarrada warfaafinta, isaga oo markaa qodob qodob isku dul-taagayay hadba su’aalaha ay soo celiyaan suxufiyiintii dooda ka qeyb-gashay.

Mar ay HOL wax ka weydiisay suxufiyiintii dooda ka qeyb-gashay aragtidooda ku aadan xeerka, waxaa ay sheegeen in wali uu qebyo yahay, iyaga oo uga mahad celiyay wasaarrada warfaafinta juhudiga badan oo ay ku bixineyso siddii loogu baahin lahaa sharciga guud ahaan gobollada dalka si markaa suxufiyiinta oo idil tallo ugu yeeshaan.

Horay waxaa kulamo noocano oo kale ah loogu soo qabtay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Baydhabo, Nairobi iyo magaalada Beledweyne oo maanta lagu qabtay , waxaana jira sidoo kale in la gaarsiin doono sharciga gobollada kale ee dalka si markaa cid kasta oo ku howlan shaqada warbaahineed talladeeda ama fikirkeeda ugu biiriso.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya