4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 22, 2013
Khilaafka u dhexeeya Musharraxiitna iyo Dowladda Puntland oo weli taagan iyo dadaallo lagu dhexdhexaadinayo oo socda

Axad, December 22, 2013 (HOL) —Waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya dowladda iyo musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ee Puntland, khilaafkaas oo intiisa badan salka ku haya guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada.

Qaabka guddigaas loosoo magacaabay ayaa ah arrinta uu muranka ugu xooggani ka taagan yahay, iyadoo musharraxiintu ay ku doodayaan in aysan sharci ahayn in Madaxweyne Faroole - oo isaguba musharrax ahi- uu guddigaas soo magacaabo.

Musharraxiinta ayaa sheegay in doorashooyinkii hore Guddigaas ay si wadajir ah usoo magacaabi jireen musharraxiinta -markaas doorashada madaxtinimada ka qayb gelaya- iyo weliba madaxweynaha xilka haya, arintaas oo madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay been abuur.

Faroole oo Talaadadii hore warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sharci ahaan magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta ay dowladdu leedahay, isagoo taas ka hadlayey wuxuu yiri: “Magacaabidda guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka sharci ahaan dowladdaa iska leh,  saddexdii doorasho ee hore, saddexdaba dowladda ayaa soo magacowday…”.

Dadaallo dhexdhexaadin ah oo socda.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaallo xooggan oo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa khilaafkan, dadaalladaas oo ay hormuud ka yihiin madaxda dhaqanka, siyaasiyiiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland iyo weliba bulshada rayidka ah.

Waxaa sidoo kale xilligan magaalada Garoowe ku sugan Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah la-taliyaha ergeyga gaarka ah ee xoghayah Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Nuuradiin ayaa kulammo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweyne Faroole iyo weliba musharraxiinta, kulammadaas oo ahaa kuwo ay albaabadu u xiran yihiin, wuxuuna kala hadlay labada dhinac sidii khilaafkaas si dhaqaso ah loogu soo afjari lahaa.

Inta badan isimmada Puntland ayaa xilligan ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaas oo la filayo in ay dhowaan shir ballaaran ku yeeshaan, shirkaas oo ay kasoo saari doonaan go'aammo ku aadan doorashada iyo weliba khilaafka jira.

Howsha Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta

Howsha Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada ayaa ah in ay diiwaan geliyaan xildhibaanada cusub, islamarkaana ay hubiyaan in baarlamaanka aanu kamid noqon xildhibaan aan haysan oggolaanshaha beesha uu kasoo jeedo, maadaama ay dhacdo in xilliyada qaar uu beelaha dhexdooda ka dhacdo isqab-qabsi arrintaas la xiriira.

Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 mudane, iyaga ayaa soo doorta guddoomiyaha golaha wakiillada, madaxweynaha iyo weliba madaxweyne ku-xigeenka.

Dadka ka faallooda siyaasadda Puntland, ayaa sheegay in haddii khilaafka u dhexeeya dowladda iyo musharraxiinta aan sida ugu dhaqsaha badan lagu xallin, ay taasi sababi karto in waqtiga doorashada madaxtinimadu uu dib uga dhoco 8-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya