4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
RA’IISUL WASAARE C/WELI SHEEKH: “Sharaf iyo Magac weyn bay ii tahay in aan noqdo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ” (WAREYSI)


Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Shiikh Axmed maxamed oo wareysigiisii ugu horreeyay siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kalsoonidii ay maanta siiyeen xildhibaannada baarlamaanka, isagoo sheegay in sharaf iyo magac-weyni ay u tahay inuu noqdo ra’iisul waasaraha Soomaaliya.

C/weli Sheekh wuxuu sheegay inuu garanayo culeyska ay leedahay howsha loo dhiibay, balse uu Alle ka baryayo inuu garab ku siiyo gudashadeeda, sidoo kalena uu madaxweynaha, baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka dalbanayo inay garab ku siiyaan gudasha howshaas culus.

Su’aal ahayd maadamaa howsha hortaalla maanta ay tahay xulista golihiisa wasiirrada, waa imisa golaha wasiirrada aad doonayso inaad dhisto? Ayuu kaga jawabay in tan iyo markii la magacabay uu arrintan wadatashiyo kala lahaa xildhibaannada baarlamaanka iyo odayaasha dhaqanka, maanta ama berrina go’aan laga gaari doono, balse uusan hadda sheegi karin tirada ay noqonayaan.

“Waxaan doonayaa inaan soo gaba-gabeeyo maanta ama berri wadatashiyo iigu laaban odayaasha dhaqanka, markaas ayaana sheegi karaa wasiirradu tirada ay noqon doonaan. Waxaana rajeynayaa in magacaabiddooda aan ku soo gaba-gabeeyo muddo 10 maalmood gudahood ah,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Mar kale ayaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd in golihiisa wasiirradu ay ka tiro badan doonaan kuwii hore iyo inay la mid noqon doonaan ayuu sheegay inay ka badan doonaan, balse uusan hadda ku dhawaaqi karin tirada golaha uu soo magacaabayo.

Xubnihii golihii hore ee wasiirrada maka mid noqon doonaan golaha cusub ee aad soo dhisayso, mise xubno cusub ayaad keensan doontaa ayaa mar kale la weydiiyay ra’iisul wasaaraha isagoo kaga jawaabay:

“Weli wadatashi ayay arrintaas ku jirtaa, laakiinse ma filayo inay jirto cid si gaar ah uga xanniban inay golaha wasiirrada ka mid noqoto. Qofka doonaya inuu ka mid noqdo golaha wasiirrada waa inuu noqdaa qof kari wax-qabad leh oo danta dalka iyo dadka ka shaqeyn kara. Anigu maalmahan waxaan xoogga saarayay dajinta ajandaha guud ee xukuumadda si aan u horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, balse maanta ayaan u gacan-bannaanaaday in aan ka firkiro xubnaha xukuumaddeyda ka mid noqon doona.”

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay qorshihiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu dalka ku hago, ayaa wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ay siinayaan sugidda amniga iyo xasilinta dalka, in gacanta dowladda lagu soo celiyo dhulka ay ka taliso Al-shabaab. Waxaa kaloo ka mid ah howlaha i horyaalla inaan dhameystirno dastuurka KMG ah, inaan hirgelinno dastuurka iyo inaan dalka gaarsiinno doorasho xor ah sannadka 2016-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya