4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Somalia oo soo dhaweeyay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya


Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay ansixinta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo maanta ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed ayaa maanta codka kalsoonida ah ka helay xukuumadda, iyadoo isla goobtii lagu ansixiyay lagu dhaariyay jagada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Waan u hambalyeynayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,” ayuu yiri Kay oo intaas ku daray. “C/weli Sheekh Axmed wuxuu xilka la wareegay iyadoo uu soo dhow yahay sannadka cusub ee 2014-ka. Waxaana rajeynayaa inuu sannadka soo socda noqdo sannadkii horumarka iyo nabadda Soomaaliya.”

Sidoo kale, Nicholas Kay wuxuu sheegay in xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay uu sii wadi doono taageerada uu la garab-taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya, ayna ka caawin doonaan dhinacyada ammaanka iyo dadaallada lagu doonayo in dalka dib loogu dhiso.

Danjire Kay ayaa wuxuu u mahadceliyay ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo kursiga kasii dagaya, isagoo sheegay in uu qabtay muddadii sannadkan ahayd ee uu xafiiska joogay howlo badan oo lagu xoojiyo horumarka Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray inuu howshii uu qabtay ay ahayd mid uu ku guuleystay.

“Waxaan kula talinayaa ra’iisul wasaaraha cusub, C/weli Sheekh Axmed inuu wada-tashi ballaaran ka yeesho dhismaha golihiisa wasiirrada. Waxaana ka rajeynayaa inuu soo dhisi doono gole wasaaradeed oo awood u leh inay sii wadaan howlaha xukuumadda horyaalla, ayna noqdaan kuwo ka shaqeeya dowlad-wanaagga, adkeynta sharciga iyo horumarinta howlaha bulshada,” ayuu mar kale yiri danjire Kay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay wuxuu ka dalbaday xukuumadda, baarlamaanka iyo madaxweynaha inay si wadajir ah u shaqeeyaan iyagoo tixgelin isku haya dhowrayana dastuurka dalka u degsan.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu ammaanay sida baarlamaanka Soomaaliya uu uga soo baxay mas’uuliyaddiisa, isagoo ku tilmaamay howshaas mid u horseedaysa Soomaaliya taariikh cusub oo muhiim ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya