4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo Maanta Horatgaya Baarlmaanka si Cod loogu Qaado


Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta hortagaya baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida, iyadoo lagu wado inuu hadallo kooban xildhibaannada u jeediyo markii uu hortago.

Mudane C/weli Sheekh ayaa waxaa la magacaabay bartamihii bishan kaddib markii xildhiabannada baarlamaanka ay codka kalsoonida ah kala laabteen xukuumaddii uu horkacayay ra’iisul wasaarihii hore Saacid Faarax Shirdoon oo hadda howsha xukuumadda sii wada.

“Waxaa maanta baarlamaanka horimaanaya ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh si codka kalsoonida ah loogu qaado,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xoghayayaasha baarlamaaka Soomaaliya.

Xidhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in ajandaha maanta ee baarlamaanka uu yahay cod u qaadista ra’iisul wasaaraha cusub, iyadoo xusay in codadka uu ku gudbi karo ay yihiin konton lagu daray hal.

“Ajandaha ugu weyn ee baarlamaanka maanta waa cod u qaadista ra’iisul wasaaraha cusub, waa dhici kartaa inay soo dhexgalaan xildhibaan cusub oo la dhaarinayo iyo arrimo noocaas ah, balse ajandaha ugu weyn ee maanta waa cod u qaadista ra’iisul wasaaraha cusub,” ayuu yiri Maxamed Cumar oo ka jawaabayay inay jiraan howlo kale oo baarlamaanka horyaalla maanta.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa lagu waday inuu golaha baarlamaanka hor-tago Arbacadii lasoo dhaafay oo ay bishan ahayd 18, balse dib ayaa loo dhigay sida ay sheegeen guddoonka baarlamaanka, iyadoo dib u dhigsta lagu macneeyay arrimo farsamo.

Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu si toos ah xilka ula wareego haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka, iyadoo sidoo kalena ay sugayso inuu soo magacaabo golihiisa cusub ee xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya