4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Jubba u joogta xal u helidda Colaadaha ka taagan South Sudan (SAWIRRO)


Jimco, December 20, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay, Fowziyo Yuusuf Aadan ayaa u jooga magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta sudan qorshe ay wasiiradda arrimaha dibadda IGAD ku doonayaan inay ku qaboojiyaan rabshadaha kasoo cusboonaaday dalkaas.

Qorshahan ay IGAD ku doonayso joojinta colaadda Koonfurta Suudaan ayaa waxaa goob-joog ka wasiirro arrimo dibadeedyada dalal Uganda, Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah dalkaas, waxaana sidoo kale ka qaybgalaya kulankan madaxa amniga iyo nabadgelyada ururka ururka Midowga Afrika iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.

Wasiirradan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa isku-dayaya inay dadaallo nabadeed ku joojinayaan dagaalka, iyadoo laga digayo in colaadaha ka taagan dalkaas ay isku badelaan dagaallo sokeeye, isla markaana ay qal-qalna geliyaan deggenaashaha dalalka Bariga Afrika.

Xubnahan ka socda IGAD ayaa waxay shalay gellinkii dambe kulan iriduhu u xirnaayeen la yeesheen madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir Mayardit, iyagoo kala hadlay qaabka ugu habboon ee nabad loogu soo dabaali karo dalkaas.

Dalalka Somalia, Suudaan, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda ayaa magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan ka billaabay olole dublamaasiyadeed oo ay ku doonayaan inay isugu keenaan dowladda dalkaas iyo mucaaradka oo toddobaadkan ay dagaallo uu dhiig badani ku daatay ku dhex-mareen magaalada Jubaba iyo deeganno kale.

Inkastoo dalalka IGAD ay ku doonayaan inay xal ka gaaraan colaaddan ka taagan dalkaas oo ka billaabatay khilaaf soo dhexgalay madaxweynaha dalkaas, Salva Kii iyo ku xigeenkiisii hore, Riek Machan oo xilka laga qaaday bishii July ee sannadkan, ayaa haddana madaxweyne ku xigeenkii hore mar uu hadlay wuxuu sheegay inuusan wax wadahadal ah la furayn Kiir oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu xukunka dalkaas isku koobo.

Dagaallada ka socda dalka Koonfurta Suudaan oo aan socon wax toddobaad ka badan ayaa waxay galaafteen nolosha in ka badan 500-qof oo isugu jira dad dalkaas u dhashay iyo kuwo ajnabi ah oo ku noolaa.

Ajaanibta ku dhintay dagaalladaas ayaa waxaa ku jira Soomaali iyo Kenyan lagu dilay dalkaas, waxaana sidoo kale xalay laug dilay magaalada Bor oo ku taalla dhinaca waqooyi ee dalka Koonfurta Suudaan saddex askari oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay ka jooga dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya