4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Danjire Nicholas Kay oo ka hadlay Go’aankii Baarlamaanka Somalia uu xilka uga Xayuubiyay Ra’iisul Wasaare Saacid


Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee xilka looga qaaday xukuumaddii uu horkacayay ra’iisul wasaare Saacid.

Danjire Kay ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya iyo afhayeennkooda Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ay door wanaagsan ciyaareen, isagoo xusay in fulinta howshan ay u mareen hab-sharciyeen dastuuri ah.

“Tallaabadan waa mid muhiim ah, waayo waxay qayb ka tahay howlaha uu u dhisan yahay baarlamaanka Soomaaliya. Waxayna u mareen fulinta arrintan hab sharciyeed dastuuri ah,” ayuu yiri Kay.

Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida ah u qaaday xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyagoo si aqlabiyad ah ugu codeeyay in xukuumada kalsoonida lagala laabto.

“Hay’adaha dowladda muddo ayay soo shaqeynayeen. Qaramada Midoobay waxay halkan u joogtaa sidii ay uga qaybqaadan lahayd horumarka socda una eegi lahayd sida howsha horay loogu sii wado. Ra’iisul wasaaraha xilka ka dagaya ee Shirdoon wuxuu soo qaybtay howl badan oo horumarineed, wuxuuna door wanaagsan kasoo ciyaaray hirgelinta barnaamijka New Deal oo ah mid beesha caalamka iyo Soomaaliya isaga kaashanayaan sidii dib loogu dhisi lahaa dalka,” ayuu mar kale yiri dajire Kay.

Ergaygu wuxuu hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si howsha xukuumadda iyo horumarka la gaaray ay u sii socon lahaayeen.

“Waxaan rajeynayaa in madaxweynuhu uu wadatashiyo sameyn doono ka hor inta aanu soo magacaabin ra’iisul wasaare cusub. Dhammaanteen dan ayaa inoogu jirta, waxaase ku talinayaa inuu noqdo mid ka shaqeyn kara midnimada dalka, isla markaana keeni kara waxay shacabku doonayaan sida sudidda amni, sharci, dhaqaalaha oo la kobciyo iyo horumarinta howlaha ka dhexeeya bulshada.

Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ka shaqeeyaan danaha dadka Soomaaliyeed oo aysan marna ogolaan dano gaar ah oo la wato.

“Waxaanu doonaynaa in sannadaha soo socda ay si wadajir ah u shaqeeyaan baarlamaanka, xukuumadda ioy madaxweynaha, iyagoo ku shaqeynaya sida uu qabo dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya u dagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay danjire Kay.

Ergayga Qaramada Miodobay ee arrimaha Somalia ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo caalami ah oo ka hadla go’aanka baarlamaanka uu ku tuuray ra’iisul wasaare Saacid.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya