4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Bulshada ku Boorriyay in Dadka la Nool Cudurka HIV/AIDS-ka aysan Takoorin

Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Hay’adda la dagaalanka iyo xakameynta cudurka HIV/AIDS, ayaa ka warbixiyey halka uu Somaliland ka marayo cudurkaas, waxaanu sheegay inay dadku soo fahmayaan jiritaanka cudurkan, isla markaana ay dawooyinka si toos ah usoo doontaan.

Munaasabad lagu wacgelinayo dadweynaha oo lagu soo beegay maalinta loo asteeyey cudurkan ee December 1-deeda, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, wasiiro iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guddida la dagaalanka Cudurka HIV/AIDS (SOLNAC) Cabdi Cali Jaamac, waxaanu ka warbixiyey xaalada uu cudurkani ka marayo Somaliland.

“Dalkeena wuxuu ka marayaa 1.1%, dadka daawada qaata dalkeenu waa ilaa 1500 qof, 800 boqol in ku dhow waa dumar,ilaa 700 waa rag, daawadana waxa laga bixiyaa Cisbitaalada Hargeysa, Berbera, Borama iyo ka Burco,dalkana guud ahaan waxa ka jira 22 goobood oo dadka lagula taliyo, laguna baadho," ayuu yidhi Agaasimaha Hay’’adda la dagaalanka cudurka HIV/AIDS.

Waxaanu intaas ku daray “Caqabada ugu weyn ee na haysataa waa cuqdada laga qabo xanuunkan, komishanka qaranka waxa u qorshaysan inuu cudurkan kula dagaalamo Mustaqbalka wacyigalin, waxa kale oo noo qorshaysan inuu xuduudaha culayska saarno oo ah meesha kale ee khatarta badanina inagaga socoto"

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu dadweynaha hortooda isku baadhay cudurkan, ayaa dadweynaha ka codsaday inay is baadhaan, isl markaana mar walba la socdaan xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale, dadweynaha waxa uu ugu baaqay in aanay fogeyn dadka cudurkan La nool, isla markaana aanay dhibaato ahayn inay la noolaadaan qofka cudurkan qaba, oo ay ka ilaaliyaan takoorka lagu hayo dadka cudurkan la nool.

“Innagu  waxaynu kasoo gudubnay marxalad faafidda AIDS-ka kordhaysay, waxaynu gaadhnay marxalad aynu isleenahay waad ku joojin kartaan faafitaanka cudurka HIV/AIDS-ka . Waxa wax lagu farxo ah inuu adduunka hoos uga dhacay faafiddii  HIV/AIDS-ka, oo laga soo bilaabo 2001-dii uu 29% hoos uga dhacay, waxaana hoos u dhacday dhimashada dadkii Aydhiska qabay, waxaana xusid mudan in 2005-tiina ay hoos u dhaceen carruurta qaba HIV/AIDS-ka 52%, waxa halkaa ka cad sida caalamku dedaalka uga galay sidii looga hor-tagi lahaa cudurkaa dilaaga ah ama looga badbaadin lahaa"ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.

Sidoo  kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Qawdhan,gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Somaliland, isla markaana ka socday Hay’adda UNICEF Cabdirashiid  Xaashi  Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, dadka la nool cudurkan ayaa dhibaato badan kala kulma bulshadda dhexdeeda, kuwaas qoysaskoodu ka eryaan guryaha marka la ogaado inuu cudurkaasi qabo, taasina waxay xadgudub ku tahay xuquuqdii bani’aadanimo ee qofkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland