4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Codka loo qaadayo Xukuumada Ra'iisul wasaare Saacid oo billowday iyadoo la Tirinayo Xildhibaannada Codadkooda dhiibanaya

Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in codka kalsoonida loo qaadayo xukuumadda, isagoo sheegay in codku uu noqon doono mid gacan-taag ah.

Jawaari ayaa sheegay in 250 xildhibaan ay ku sugan yihiin golaha shacabka kuwaasoo diyaar u ah inay codka u qaadaan xukuumadda, inkastoo aan la ogeyn sida ay xalaaddu noqon doonto.

Xildhibaannada taagan ayuu guddoomiyaha baarlamaanku ugu baqay inay fariistaan si codka loo qaado, iyadoo haatan ay golaha diyaar ku yihiin howl-wadeennadii tirin lahaa codadka xildhibaannadu ay dhiibanayaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada ay fadhigooda ku sugnaadaan cid soo istaagi karana aysan jirin, isagoo sheegay in ruuxii la arko isagoo gudaha baarlamaanka dhex-socda dibadda loo saari doono.

Sidoo kale, Jawaari ayaa wuxuu sheegay in codka loo qaadayo hab xarfo ah oo laga billaabayo xarafka A, laguna geyn doono Z oo ah qaybta dambe ee baarlamaanka.

Codeynta ayaa billaabay iyadoo tirintana ay socoto, waxaana guddoomiyaha uu xildihbaannada ku boorrinayaa inaysan dajin gacanta inta codka laga tirinayo codadkooda.

Ma jiraan weli xildhibaannado ka aamusay codka xukuumadda loo qaadayo, waxaana ay u kala qaybsameen xildhibaannadu inta codadkooda la tiriray in xukuumadda lagala laabto kalsoonida iyo kuwo diiddan in kalsoonida lagala laabto.

Illaa hadda safafka codadkooda la tiriyay waa shan saf ama xarafka E, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay codeynta, iyadoo haddii ay qaldanto tirada lagu celinayo safka mar labaad, taasoo uu guddoomiyuhu ku sheegay inay tahay mid lagu hubinayo tirada saxda ah.

Natiijada codeynta kala soco Hiiraan Online haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya