4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Faahfaahin ku saabsan dil afar dhakhtar iyo laba ruux oo kale loogu geystay Maanta Deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho


Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta barqadii afar dhaqatar iyo laba qof oo kale oo midkood uu ahaa darawalkii dhakhaatiirta iyo ruux ilaalo u ahaa loogu geystay deegaan lagu magacaabo Siinka dheer oo Muqdisho 15-km dhinaca koonfureed kaga beegan.

Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa la sheegay inay toogteen dhakhaatiirtan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Suuriyaan iyo dhakhtar u dhashay Somalia, iyadoo ay sadex qof oo kale oo laba ka mid ah ay ahaayeen ilaaladii dhakhaartiirtan iyo dhakhtar kale oo Suuriyaan ah ay ku dhaawacmeen.

Dhakhaatiirta la dilay ee Suuriyaanka ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Dr. Ayman, Dr. Cabdalla iyo Dr. C/xamiid, halka isna lagu magacaabi jiray dhakhtarka Soomaaliga ah ee lala dilay, Dr. C/kariin Maxamed Shire.

Sidoo kale, kooxaha hubeysan ayaa toogasho ku dilay darawalkii gaariga oo lagu magacaabi jiray, Khayre Cali Saalax iyo mid ka mid ah ilaaladooda oo la oran jiray, C/qaadir Catoosh, iyadoo dhakhtarka Suuriyaanka ah ee la dhaawacay lagu magacaabo, Dr. Maahir.

Maydka dhakhaatiirta iyo labada ruux iyo dhaawaca dhakhtar iyo ilaalada ayaa la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasoo haatan sadexdii qof ee dhaawacmay lagu daaweynayo.

“Xasuuqa loo geystay dhkhaatiirta waxaa geystay kooxo hubeysan oo gaari yar watay kuna hubeysnaa qoryaha loo yaqaan daba-jeexa, runtii rasaas badan ayay ku fureen gaarigooda, waxayna xilliga la dilayay dhakhaatiirtu ku socdeen isbiaalka duleedka Muqdisho ku yaalla oo lagu magacaabo Fiqi kaasoo ay howlo caafimaad ka sameynahyeen,” ayuu yiri mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha ka howl-gala isbitaalka Fiqi.

Goobjooge kale oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maydadka dhakhaatiirta ay muddo yaalleen waddada isku xirta Muqdisho iyo afgooye dhinaceed, ayna halkaasoo ay ku suganayeen ciidamada ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya, wuxuuna xusay in rasaastii lagu dilay si xun u waxyeelleysay jirkooda.

Dr. C/raxmaan Macallin Fiqi oo ah madaxa isbitaalka Fiqi oo ay dhkhaatiirtan ka howlgeli jireen ayaa sheegay inaysan jirin wax hanjabaadyo ah oo soo gaaray iyaguna aysan weli u sheegin dhakhaatiirta la dilay in loo hanjabay, isagoo xusay in laba bilood oo keliya ay la shaqeynayeen ayna howlo caafimaad ah oo badan qabteen intii ay isbitaalkan howlaha caafimaad ka wadeen.

"Saddexda dhakhtar ee Suuriyaanka ah waxay ka howlgeli jireen isbitaalka Fiqi, waxayna ahaayeen kuwo takhasusaadkoodu ay kala ahaayeen, cunaha, afka iyo dhegaha, kilyaha iyo haweenka, waxayna isbitaalka imaan jireen labadii maalmoodba mar" ayuu Dr. C/raxmaan Fiqi ku daray hadalkiisa, isagoo xusay in isbitaalka uu howlihiisa sii wadi doono, kooxo yar oo dhibaatooyin waddana aanu howlihiisa u joojin doonin.

Madaxa Isbitaalka Fiqi ayaa sidoo kale sheegay inaysan filayn in dhakhaatiir Muslimiin ah oo dalkan u yimid inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed la dilli doono, isagoo dilkaas ku tilmaamay dilkan mid axmaqnimo ah oo loo geystay dhakhaatiir Soomaaiya u joogay inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Duniyo Maxamed Cali oo ka mid ah mas'uuliyiinta Isbitaalka Madiina ayaa ka hadashay dilka dhakhaatiirtan iyadoo sheegtay inay howlo lagu qalayay dad Soomaali ah u adeen isbitaal ku yaalla duleedka Muqdisho, waxaana leennahay intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto mana jirto wax kale oo aan ku saa’idinayno.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka dhakhaartiirtan Soomaalida iyo Suuriyaanka isugu jirta; waxaana afhayeen u hadlay kooxda Al-shabaab uu sheegay inaysan xoogagoodu fulin dilka dhakhaatiirtaas, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo Muqdisho lagu dilo dhakhaartiir Suuriyaan ah oo dhaawaanahan kusoo badanayay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kasta ha ahaateen dilka dhakhaartiirtan ayaa kusoo beegmayaa xilli toddobaadyo ka hor ay Muqdisho ku toogteen kooxo hubeysan gabar u dhalatay dalka Uganda oo macallimad ka ahayd Jaamacadda Soomaaliya oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya