Siminnaar looga hadlayay nabadda oo Muqdisho loo qabtay Haween ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir (SAWIRRO
Arbaco, December 11, 2013 (HOL) — Siminnaar looga hadlayay nabada iyo is-dhex-galka bulshada ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir, xubno ka tirsan guddoomiyeyaasha haweenka degmoooyinka gobolka Banaadir iyo ururrada haweenka.
Siminaarkan oo ay soo agaasintay hay'adda CCD ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga, Warsame Maxamed Xasan Joodax oo ku amaanay is-xilqaanka hay'adan ee dhinaca nabadda iyo wacyi-gelinta bulshada.
Warsame Joodax ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay laf-dhabarka u yihiin ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in haweenka ay door weyn ku leeyihiin nabadeynta iyo abaabinta ubadka
“Gabdhaha Soomaaliyeed waa laf-dhabarka ummadda, waa aasaaskii guriga ay talada ka toosto, waxaa rajeynayaa inay wax badan qaban doonaan wax badanna toosin doonaan, in caruurta la qalday ay wacyi-geliyaan," ayuu yiri Warsame Joodax.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in kulammada, wada-tashiyada iyo sixida in lagu ciribtiri karo dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaana hooyooyinka ay horseed u noqdaan nabadda.
Guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo iyaduna ka hadaashay siminnaarka ayaa sheegtay in haweenka dadaal ugu jiraan sidii dhallinyarada la qalday u hanuunin lahaayeen, isla markaana ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen arrintan hooyooyinka.
"Maanta waxaa taagannahay sidee dadkeena uga saari karaan fikradaha ku saleysan dhibaatooyinka ee Al-Shabaab dhalinyaradeenna ku shubtay, in mar walba dhallaankeena iftiinka ahaa la beegsado waa inaan ku dadaalnaa habkii aan u ciribtiri lahayn fikiradahaas lagu qalday dhallinyaradeena," ayay tiri Jawaahir Baarqab.
Marwo Jawaahir ayaa xustay in haddii bulshada xiriir fiican yeelato ay dhamaanayso wixii xun ama dhibaato, waxaana ay ugu baaqay hay'adda in bishiiba haweenka u qabato siminnaaro iyo doodo ku aaddan nabada.
Sidoo kale, waxaa ka hadashay siminnaarada, Marwo Xaajiyo Iimaan oo ah guddoomiyaha haweenka degmada Wadajir oo sheegtay in sida kaliya ee lagu guuleysan karo ay tahay in haweenka isku duubnaadaan, auna kawada shaqeeyaan nabadda si loo gaaro horumar.
Guddoomiyaha qaybta haweenka ee hay’adda CCD, Sahro Maxamuud Amiin ayaa sheegtay in kuwa nabadda diiddan ay yihiin caada-qaatayaal, waxaana ay xustay in haweenka aanay nabadda kasoo horjeedin ayna taageersan yihiin nabadda.
"Hooyooyin haddii dhibaato dhacda waa dhibkeeda, waayo wiilkeeda ayaa ku dhimanaya, waxayna u taagan yihiin sidii ay nabad ku dhalin lahaayeen," ayay tiri Sahro Amiin.
Dhanka kale, guddoomiyaha haweenka Xamar Weyne iyo Dayniile oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo hadashay ayaa sheegay in haweenka haddii ay meel kasoo wada-jeestaan uu dalka gaarayo horumar, waxayna tilmaantay in isku xirnaanta bulshada degmooyinka ay suuro-gelinayso in nabaddii dib u soo laabato.
Siminnaarkan ayaa qayb ka ah siminnaaro ay CCD u qabato qaybaha kala duwan ee bulshada, kaasoo la xiriira wacyi-gelinta bulshada, nabada iyo horumarinta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya