4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Sheegtay in 83-qof Sannadkan 2013 laga helay Cudurka Halista ah ee HIV/AIDS


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 01-da December oo sannad walba laga xuso dunida oo dhan maalinta cudurka HIV/AIDS ayay wasaaradda caafimaadka Puntland sheegtay in 83-qof sannadkan laga helay cudurkan halista ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Putland, Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay in tirada dadka qaba cudurka ay sanadkan ka yar tahay kuwii la diiwaan-galiyay sanadihii hore ee 2012-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in tan iyo sannadkii 2006 deegaannada Puntland laga helay 721-qof oo qaba cudurkan, isagoo tilmaamay in tiradan ay yar tahay, taasoo uu ku sababeeyay in dadka iskood isaga baara cudurka halista ah ay yar yihiin, sidoo kalena dadka intooda badan aysan baarin caafimaadkooda guud.

Inkastoo aysan soo saarin dowladda Soomaaliya tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka ee ku nool deegaannada ay ka taliso ayaa haddana sarkaalad u hadashay isbitaalka Banaadir oo ka mid ah isbitaallada Muqdisho ka howlgala ay sheegtay in labadii sano ee ugu dambeeyay ay cudurkan ka heleen 250-qof oo isugu jira dhallinyaro iyo dad waaweyn.

Luul Maxamed Maxamuud oo wareys siinaysay VOA-da ayaa sheegtay inay maalin walba isbitaalka soo booqdaan 20-qof oo si iskood ah isaga baaraya cudurka halista ah ee AIDS-ka. Dadka ay cudurka ka helaanna ay siiyaan talooyin ay ka mid yihiin inaysan bulshada u gudbin.

Sidoo kale, sarkaaladdu waxay sheegtay inay siiyaan dadkaas dawooyin ay ugu talogaleen in difaaca qofka ay xoojiyaan; maadaama uu cudurkan hoos u dhigo difaaca qofka taasina ay keeni karto in qofku uu u dhinto cudurro sahlan sida hargabka.

Caalamka oo dhan ayaa maalin walba oo ay bisha December tahay kowda waxaa laga xusaa cudurkan, iyadoo warbixinnada lasoo saarayo lagu soo bandhigo xaddiga cudurkan iyo dadka qaaday, iyadoo haya’dda UNFPA ay sheetay maanta in caalamka intiisa badan ay hoos u dhigeen dadka cudurku uu ku dhaco, inkastoo Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da December ayaa dunida looga dabbaal-degayaa maalinta cudurka AIDS-ka.

Cudurka ayaa fara ba’an ku haya dalalka loo yaqaan dunida saddexaad ee calaamka, kuwaasoo la sheegay in dadka sannadihii ugu dambeeyay uu ku dhacayay cudurkan ay 90% dalalkaas u dhasheen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya