4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Maanta Mar kale Laga Badiyay Ciyaar ay la yeesheen Xulka Kubadda Cagta Tanzania


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Ciyaartan oo ahayd mid xiisa badan kana tirsanayd koobka bartamaha iyo bariga Afrika ayaa dhexmartay xulalka Soomaaliya iyo Tanzania, waxaana labada dhinac ay soo bandhigeen qaybtii hore ciyaar aad u wanaagsan, taasoo ka dhacday garoonka Nyanyo National Stadium oo ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Xulka dalkeena ayaa fursado badan helay intii ay socotay ciyaarta qaybteedii hore, waxaana jiray digniino kaarka huruudda ah oo la siiyay ciyaaryahanno Soomaaliyeed oo kala ahaa: Maxamed Cadi Xaylow iyo Sidii Maxamed Cumar daqiiqadihii 33-aad iyo 57-aad halka xulka Tanzania kaarka huruudda ah la siiyay ciyaaryahan Saciid Xuseen Muradi.

Weerarka Soomaaliya ayaa u muuqday mid dhalin karay guul, balse taas ma dhicin, iyadoo goolhayaha Tanzania uu beeniyay dhowr fursadood oo xulka Soomaaliya ay isku day-day inay gool kaga dhaliso, waxaana la arki karayay isku dhex-yaac mararka qaarkood ka dhex jiray daafacyada Tanzania.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay goolal la’aan barbaro ahayd umana suuro-galin labada xul inay goolal iska dhaliyaan, waxaana indhaha lagu wada hayay badalka ay labada dhinac samayn doonaan si ciyaarta ay u sii kululaato.

Markii la isugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa weerarradii ugu horeeyay ee xulka Tanzania ay sameeyeen waxaa ugu suuro-gashay inay ku helaan goolkii badiska, kaasoo yimid daqiiqadii 57-aad, waxaana  si qurux badan shabaqa Soomaaliya ugu hubsaday laacibka lagu magacaabo Chanongo.

Tababaraha xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa badalkii uu sameeyay waxaa soo galay ciyaarta laacibka lagu magacaabo Maxamuud Abdi-nuur Maxamed, kaasoo in badan qaybta weerarka Soomaaliya kusoo kordhiyay.

Garsooraha ciyaarta dhexdhexaadinayay ayaa Somalia ka diiday gool rigoore ahaa; kaddib qalad muuqda oo daafaca Tanzania uu ku galay laacibka Maxamud Cabdinuur daqiiqadii 76-aad, waxaana intaa kaddib tababbaraha Tanzania uu badal kusoo galiyay Muuse Shaah si uu u dhimo weerarka kaga imaanaya dhinaca xulka Soomaliya oo xiligaa aad u xoog badnaa.

Rajadii Soomaaliya ee koobkan ay kusii ciyaari lahayd ayaa mugdi gashay maadaama labadii kulan ee ay ciyaareen laga badiyay, waxaana tani ay ka dhigan tahay in hal kulan oo kaliya uu u harsan yahay, kaasoo laga yaabo in uu dib u soo noolayn karo rajada xulkeena.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]