4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Agaasimaha guud ee hay’adda UNFPA Dr Osotimehin oo ka hadlay Maalinta AIDS-ka Adduunka oo Maanta ku beegan


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Agaasimaha hay’adda UN Population Fund (UNFPA) Dr. Babatunde Osotimehin ayaa maanta ka hadlay halista cudurka AIDS-ka oo dunida laga xuso sannad walba maalinta koowaad ee bisha December.

Dr. Osotimehin ayaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in dhibaatada uu geysto cudurkan ay sare u kacday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, inkastoo ay jiraan horumarro uu caalamku ka gaaray xakameynta cudurkan.

“Maanta oo aan u dabaal-dagayno maalinta AIDS ka adduunka ee sannadka 2013, waxaan tilmaami karna in tallaabo hormarineed uu adduunka kaga gaaray dhanka ka jawaab bixinta faafidda cudurkan,” ayuu yiri Dr. Osotimehin.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dhamaan dunida ay hoos u dhacday tiro ahaan dadka la nool HIV/AIDS, kaddib markii ay heleen daawada lagula dagaalamo xanuunka ee loo yaqaan (Antiretroviral).

“Weli horumarku waa mid gaabis ah, waxaana jira caqabado ku aaddan bad-baadinta nafta sida kala soocid, takoor bulshada dhexdeeda ah iyo faquuq inta badan lagu saameeyo dhibbanayaasha cudurka qaba oo u badan dumarka iyo dhallinyaro,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in deegaannada qaarkood in dadka AIDS-ka la nool xaquuqdooda ay dhameeystiran oo macquul ah u helaan, gaar ahaan dhallaanka iyo kuwa bulshada dhexdeeda ugu nugul.

“Dadka uu cudurkan haleelo maalin walba waa 6,300 oo qof dunida oo dhan, kuwaasoo ah dhallinyaro ay da’doodu u dhexeyso 15 illaa 24-sano jir, inta ugu badanna waa haween,” ayuu Dr. Osotimehin ku yiri war-saxaafadeedka uu kaga hadlay cudurkan halista ah.

Mar uu ka hadlay dhibaatada cudurka ayuu sheegay in inuu inta badan hor-seedo dhimashada haweenka ku jira xilliga wax soo saarka, sidoo kalena uu sababo ugu yaraan 20% dhimashada haweenka xilliga dhalmada.

"Intii u dhexeysay sannadihii 2005-ta illaa 2012-ka dhimashada lala xiriiriyo AIDS-ka ayaa waxay sare u kacday 50% oo inta badan dhallinyaro ah, halka 30% oo dunida oo dhan uu hoos u dhacay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in cudurkan uu saacad walba 50 dhalinyaro ah oo gabdho u badan uu saameeyo. Gabdhaha qaan-gaarka ah ee uurka leh ee meel walba jooga ayaa inta badan waaya fursada noolasha. Maalin walbo. 20,000 kun oo gabdhood oo ka hooseeyo da’da 18-jirka ayaa waxay ku dhalaan dalalka soo koraya.

“UNAIDS waxay ku qiyaastay inta badan khilaafaadka kuwa wada nool inay sababaan in 50% oo dumarka ka mid ah in cudurkan HIV/ADIS-ka uu ku dhaco, bulshada dhexdeeda waxaa jira dumar isticmaala noocyada kala duwan ee maandooriyeyaasha iyo kuwo ka ganacsada jirkooda oo halis ugu jira in cudurkan uu ku dhaco,” ayuu agaasimuhu mar kale ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Haweenka iyo gabdhaha ku nool goobaha ay ka jiraan isku dhacyada iyo musiibada waxay inta nadan wajahaan sare u kac u nuglaansho dhanka xad-guduka galmada ah, kaasoo u horseedi kara khtarta cudurka HIV/ADIS-ka. 

Waxaa qoraalka lagu sheegay in hay’adda UNFPA ay rumeysan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ee eber loogu dhigi karo cudurkan ay tahay in gabi ahaan baahida caafimaad haweenka iyo dhallinyarada la daboolo, in sidoo kale laga shaqeeyo ciribtirka sinaan la’aanta jinsiga ku saleysan, sida kala qoqobka iyo faquuqida, taasoo ah mid looga hortegi karo in fidista cudurkan laga hortago. Waana in la helaa baahida caafimaad ee galmoodka iyo sidoo kale taranka.

“Caalamka oo dhan 67 dalka oo kaliya ayaa leh sharci iyo xeer u fasaxaya in dhallinyaradu ay fursad u helaan adeegyada ka hortagista HIV/ADIS, sidoo kale 60% dalka caalamka ka tirsan ayaa iyaguna leh sharciyo iyo xeerar ilaalinaya xuquuqda bulshada iyo kuwa uu cudurkan ku dhaco inay helaan daawo iyo daryeel,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Is-dhexgalka galmada iyo taranka adeegyada caafimaad waxay xaqiijin karaan in la helo fududeyn caalami ah oo qof walbo uu helo warbixino iyo adeegyo caafimaad oo uu wax ku kala dooran karo taasoo ah tallaabada ugu weyn ee ka hortaga HIV/AIDS-ka iyo xanuunada kale ee lagu kala qaado gamlmada.

“In cudurkan la cirib-tiro waxay ka dhigan tahay in sare loo qaado xeerka caalamiga ee xaquuqul aadanaha, caafimaadka iyo faya-qabista qof walba, taasoo macnaheeda rasmiga ah uu noqonayo inaad ka fogaato HIV/ADIS-ka,” ayaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay.

Ugu dambeyn, waxaa qoraalkan lagu soo gaba-gabeeyay: Tallaabooyinka looga hortegi karo cudurkan waxaa ka mid ah isku howlidda lagu xaqiijinayo xaqa iyo baahida dhammaan haweenka iyo dadka da’da yar; kuwaas saldhig u ah ajandaha hormarka iyyo halbowlaha noolasha adduunka. Waxaa la hubaa in qof walba uu tirsan doono inuu ka badbaado cudur kasta. Dhammaan aan u istaagno inaan gaarno hadafkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya