4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Isimada iyo Waxgaradka Puntland oo ku baaqay in si nabad ah lagu xalliyo xiisadda dagaal ee ka taagan Gobolka Sool

Axad, December 01, 2013 (HOL) —
Qaar kamid ah isimmada Puntland oo magaalada Garoowe shir-saxaafadeed ku qabtay, ayaa ka hadlay dagaalladii dhowaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool iyo deegaano hoos taga.

Isimadda ayaa ku baaqay in si wadajir ah laysaga kaashado sidii xiisaddaas colaadeed loo qaboojin lahaa; si looga hortago  dagaallo hor leh oo mar kale  halkaas ka dhaca.

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ah af-hayeenka isimmada Puntland oo ugu horreyn warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in xilligan gobolka Sool ay dagaallo ka dhacaan.

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in la joogo xilligii la midoobi lahaa, isagoo tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in si nabad ah wax walba oo dhacay lagu xalliyo.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa isna sheegay in dadka Puntland ay yihiin dad caan ku ah nabad jacayl, haseyeeshee khilaafku uu yahay wax mar kasta dhici kara, basle loo baahan yahay wax walba oo khaldama in si dhakhso ah dib loogu saxo.

Suldaanka ayaa gabagabadii tacsi u direy dadkii ay eheladoodu dagaalladaas ku geeriyoodeen, wuxuu dhinaca kale ilaah uga baryey in uu caafimaad siiyo kuwa kale ee ku dhaawacmay.

Isimmada shirkaas jaraa'id sida wadajirka ah u qabtay ayaa kala ahaa:
  1. Garaad C/laahi Cali Ciid
  2. Suldaan Siciid Maxamed Garaase
  3. Ugaas C/xakiim Nuur Waaheen
  4. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
  5. Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise.
  6. Ugaas C/qaadir Cilmi Firin
  7. Suldaan C/laahi Axmed Nuur
  8. Suldaan Siciid Maxamed Irbad
  9. Suldaan Khaalid Abshir Saalax
  10. Suldaan C/xakiim Jaamac Nuur
  11. Garaad Maxamuud Dacar
Dagaallada ka dhacay gobolka Sool oo dhex maray ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Khaatumo oo ay dad toban kor u dhaafayaa ku dhinteen, ayaa waxaa aad u cambaareeyey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya