4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
RA’IISUL WASAARAHA SOMALIA: "Xukuumaddu waxay ku adkaysanaysaa in la siiyo Fursad ay isaga Difaacdo eedeymaha"


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuuumaddu ay ku adkeysanayso in la siiyo fursad ay isku difaacdo, maadaama uu mooshin ka horyaallo golaha shacabka.

“Eedaymaha ku xusan mooshinka lagu doonayo in xukuumadda kalsoonida lagala laabto ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku saleysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ku warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Axad ah.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday codsi uu soo gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax oo ahaa inuu hadal uu ku sharraxayo waxqabadka xukuumaddiisu uu ka jeediyo baarlamankaa hortiisa.

Mudane Saacid oo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in si waafaqsan cadaaladda dabiiciga ah (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba ay xukuumaddu soo diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay ee ku xusan mooshinka oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

“Xukuumad ahaan waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go'aan kasta oo la gaaro annagoo maqan waa mid ku dhisan malo-awaal,” ayuu Saacid ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkan kasoo baxay ra’iisul waasaraha Somalia ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay socoto doodda mooshinka ka dhanka ah isaga iyo xukuumaddiisa, kaasoo lagu wado in berri oo Isniin lasoo gaba-gabeeyo codkana loogu qaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya