4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Ammaanka guud ee Degmada Garoowe oo la adkeeyay xilli ay halkaas kusii Qul-qulayaan Musharraxiinta Madaxtinimo ee Puntland

Axad, December 01, 2013 (HOL) —Waxaa xilligan ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland dadaallo dheer oo la sheegay in lugu doonayo in lugu sugo amniga maadama bilowga sannadka soo socda ay ka dhacayso doorashada madaxweynenimo ee Puntland.

Musharraxiinta iyagu xilka u tar-tamaya ayaa iyaguna kusii qul-qulaya Garoowe, waxana magaalada xilligaan ka soconaya ololaha ay waddaan musharraxinta, iyagoona doonaya inay qorshahooda siyaasadeed u soo bandhigaan bulshada ku nool Garoowe.

Ciidamada ammaanka ayaa iyaguna la sheegaya in ay si weyn uga qayb-qaadanayaan sugidda amniga, waxayna billaabeen howlgallo lugu xaqiijinayo amniga sida ay inoo sheegeen saraakiil ciidamada ka tirsan.

"Ciidamada ayaa amar buuxa waxaa lugu siiyay inay heegan u galaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga Garoowe, maadaama xilligii doorashada ay soo dhowdahay, hadda magaalada waxaa soo galaya musharraxinta aad u fara badan,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah ciidamada amniga ee Garoowe.

Sidoo kale, shacabka ayaa iyguna dhankooda sheegay inay arkayeen askar badan oo hubaysan kuwaasoo baaritanno ka wadda qaybo magaalada ka mid ah, iyagoo sidoo kale ciidamadu ay baarayaan gawaarida ka baxaysa magaalada iyo kuwa soo galaya.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli ciidamada amniga looga baaqayay inay si aad ah u xaqiijiyaan ammaanka guud ee caasimadda Puntland oo ay doorashadu ka dhacayso sannadka soo socda bisha Jannaayo.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa horay u sheegay inay sugayaan amniga ayna u xil-saaran yihiin sugida ammaanka musharraxinta imaanaysa magaalada Garoowe.

Imaan Maxamed Jaamac, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya