4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Maanta Billaabaya ka doodista Mooshinka ka Dhanka ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid

Axad, December 01, 2013 (HOL) — Maanta oo Axad ah ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay billaabayaa doodad mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) kaasoo ah mid lagu doonayo in kalsoonida loogala laabto.

Xildhibaanno tiradoodu tahay 83 mudane ayaa isku qoray inay ka hadlaan kulanka, waxaana kulanka maanta uu yahay mid aad xasaasi u ah iyadoo la adkeeyay ammaanka xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ah kuwo aad ugu fikir duwan mooshinka iyadoo ay jiraan xildhibaanno kasoo horjeeda, kuwaasoo sheegay in xubnaha saxiixay mooshinka aysan qaarkood gudaha dalka joogin, taasna ay tahya mid ka horimaanaysa sharciga.

Sidoo kale, xildhibaannada mooshinka keenay ayaa sheegay in xukuumaddu markii ay ku fashilantay inay wax ka qabto howlihii loo doortay ay sababtay inay mooshinkan ka keenaan baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cimaan Jawaari oo ka hadlayay kulankii shalay ayaa xildhibaannada ka dalbadya in mooshinkan ay ku dhameeyaan si Alle ka cabsi leh, isagoo ka dalbaday xildhibaannada in ay ku sifoobaan kuwo ka shaqeynaya danaha dalkooda iyo dadkooda.

Inkastoo aan la ogeyn maalmaha ay qaadan karto doodda ayaa haddana waxaa lagu wadaa ugu dambeyn in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda haddii ay wadana uu madaxweynuh soo magacaabo ra’iisul wasaare kale, haddii ay heshana ay howsheeda sii wadato.

Ammaanka xartunta golaha shacabka ayaa la adkeeyay, iyadoo halkaas ay kusii qul-qulayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, si doodda loo furo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya