4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2013
FU’AAD SHANGOLE: “Dhammaanteen waxaa nalaga doonayaa in aan Hubka Qaadanno oo aan Difaacno Calanka Islaamka”


Jimco, August 09, 2013 (HOL) — Sheekh Fu’aad Maxamed Shangole oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Al-shabaab oo shalay kula hadlayay boqolaal qof oo ku tukaday salaaddii ciidda fagaare ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka dalbady inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Fu’aad Shangole ayaa sheegay inay difaacayaan calanka Islaamka ayna ka hortagayaan wuxuu ugu yeeray gaalada kusoo duushay Soomaaliya, isagoo xusay in qof walba ay waajib ku tahay inuu difaaco calanka iyo diinta Islaamka.

“Walaalayaal dhamaanteen waxaa nalaga doonayaa inaan qaadanno hubka oo aan difaacno raayada (calanka) Islaamka, Alle idinkiisna way jabayaan kuwa kasoo horjeeda oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Faransiiska,” ayuu Sheekh Fu’aad Shangole ku yiri hadal uu ka jeediyay fagaarahaas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Midowga Afirka ee gacanta siinaya dowladda Soomaaliya ay jabi doonaan, balse looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay adkeystaan inta hadafkaas uu ka suuro-galayo.

“Ciidamada AMISOM ee soo duulay way jabayaan Ilaahay idankiis, waxaase loo baahan yahay inaan dhabarka loo jeedin oo laga hortago, taas ayaana sharaf iyo cissi ku gaari karnaa haddii aan nahay Muslimiin,” ayuu hadalkiisa hadalkiisa ku daray.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayuu ugu baaqay inay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isagoo uga digay inuu khilaaf soo dhexgalo ama ay ka jeestaan dagaalka ay ku jiraan.

Sheekh Fu’aad Shangole ayaa wuxuu ka mid yahay saraakiisha Al-shabaab ee Mareykanku uu dul-dhigay madaxooda malaayiin doollar, wuxuuna horay u sheegay inuusan ka dhuuman kuwa doonaya inay dilaan, ayna dilayaan oo keliya isagoo dagaal kula jira.

Dhanka kale, saraakiishii kale ee fagaarahaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo ah wakiilka Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, isagoo ku boorriyay dadkii goobtaas isugu yimid inay ka qayb-qaataan dagaallada ay Al-shabaab kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Al-shabaab ayaa labadii sano ee ugu dambeysay laga saaray deegaanno fara badan oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaase kooxdan ay weli awood u leedahay inay weerarro ka geysato magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Midowga Afirka iyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya