4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2013
Diyaarad Hub iyo Saanado Ciidan u waday Ciidamada AMISOM oo saakay ku Gubatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Jimco, August 09, 2013 (HOL) — Diyaarad la sheegay inay hub iyo saanado ciidan oo kala duwan u sidday ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM ayaa saakay ku gubatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaddib markii ay si aan sax ahayn ugu dagtay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saddex ka mid ah shaqaalihii diyaaradan ayaa ku dhintay, saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray inta la hubo, iyadoo diyaaradda iyo saanaddii ciidan ee ay wadday ay gabi ahaan gubteen.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan ay lahayd dowladda Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn halka ay kasoo qaadday hubka iyo saanadaha ciidan ee wadday , waxaana shilkan uu keenay in la hakiyo gabi ahaan duullimaadyadii kasoo degi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho intii ay diyaaraddu gubanaysay.

 

“Diyaaraddu waa mid milatreri oo weyn, markii garoonka soo cago-dhigatay ayay ka baxday jidka ay diyaaraduhu ku cararaan, waxaana ka dhashay dab xooggan, kaasoo keenay inuu si fudud u qarxo hubkii saarnaa. diyaaraddii iyo qalabkii saarnaa oo dhanna way gubteen,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan howl-wadeenna garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo isku dayay inay damiyaan diyaaradda markii uu dabku ka kacay ayay u suuro-geli waxaana intii ay diyaaraddu gubanaysay hakad la geliyay howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ma jiro hadal kasoo baxay AMISOM oo ku saabsan burburka diyaaraddan u sidday hubka iyo saanadda ciidan, waxaana shilkan oo dhacay 8:00 aroornimo ee saaka oo Jimco ah uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wixii warar ah ee kusoo kordha shilkan diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya