4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Magaalooyinka Laascaanood, Buuhoodle, Taleex iyo Boocame oo dadweyne ay ugu soo baxeen Ciiddii Maanta (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Munaasibadda Ciidda ayaa maanta si weyn looga xusay gobolka Sool, iyadoo dadweyne fara badan oo maalitan u dabaaldagaya ay isugu soo baxeen, inkasoo ay jireen dadweyne ku nool gobolkaas oo maanta soomanaa.

Laascaanood

Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolk Sool ayaa waxaa maanta ay ku tukadeen dadweynuhu saddex goobood oo ay cuulmmada u asteeyeen inay dadweynaha, kuwasoo ku kala yaalla Koonfurta Laascaanood, barxadda dugsiga hoyga iyo majidka jaamaca ah ee magaalada.

Bilicda barbaarta iyo shanqarta alaabada ay caruurtu ku ciyaaraan ayaa si aad ah looga maqlayay magaalada, iyadoo ay daruuro joog hoose ku socda qaboojiyeen jawiga magaalada.

Mas’uuliyiin ka socday maamulka Somaliland soo gaaray magaalada ayaa masjidka jaamaca ah salaaddii ciidda kula tukaday boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana xubnahaas horkacayay wasiir-u-dowlaha gobollada Bari, Cali Sandule, isagoo hadal kooban u jeediyay dadkii ay kula tukadeen masaajidka.

Ciidammo aad u badan ayaa tan iyo habeennimadii xalay ku sugnaa baraha lagu tukaday maanta, kuwaasoo la sheegay inay ka hortagayeen cabsi laga qabay in xaaladda ammaanka la waxyeelleeyo.

Boocame

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe) ayaa isaguna dadweynaha kula tukaday magaalada Boocane oo 75-km bari kaga aaddan magaalada Laascaanood, waxaanu hamblayo ku aaddan ciidul-fidriga u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed eek u sugan dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba.

Taleex

Degmada Taleex oo ah magaalada xarunta u ah maamulka Khaatumo waxaa barxada salaadda ciida kula tukaday dadweyne fara badan, madaxweyne ku xigeenka Khaatumo, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), isagoo dadkii kasoo qaybgalay salaadda ugu hambalyeeyey dhameysashada Ramadaan oo ay soo soomeen.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada iyo madax-dhaqameed uu ka mid ahaa Suldaan Siciid Garyare iyo ganacsatada degmadaas qaarkood, waxaana halku dhig u ahaa in soonka la raaciyo lixda maalmood ee bisha Shawaal oo loo yaqaan Wadaca.

Buuhoodle

Magaalada Buuhoodle, waxaa lagu tukaday salaaddii ciidda ee maanta barxadda dugsiga darwiish iyadoo ay isugu soo baxeen halkaas kumannaan qof, kuwaasoo dhammaantood ku lebisnaa dhar aad u bilic badan.

Masjidka jaamaca ah ee magaalada ayaa waxaa isagana ku tukaday tiro kale oo dadka reer Buuhoodle ah; iyadoo ay ammaankooda sugayeen ciidammo deegaanku u diyaariyay.

Si kastaba ha ahaatee, ciidda sanadkan ayaa si aad ah uga duwanayd kuwii sanadihii u dambeeyay la arki jiray, iyadoo ay dadka badankoodu ahaayeen kuwo ay ka muuqdaan qurux, waxaa kale oo xusid in magaalooyinka lagu ciiday ay ahaayeen kuwo aad loo qurxiyay.

Dhanka kale, waxaa jiray qaar ka mid ah culumadda diinta oo khilaafay ciidda maanta, iyagoo sheegay inaysan jirin cid aragtay bisha Shawaal ee Soon-fur, sidaa daraadeedna ay soomayaan maanta, waxaana qiyaas ahaan dadki maanta soomahaan ay ahaayeen 10%.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool