4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Munaasabada Ciidul-fidriga oo Maanta lagu qabtay Xarunta Guddiga Xiriirka Jubbooyinka ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa lagu qabtay maanta xarunta guddiga xiriirka Jubbooyinka ee Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen culumaa’udiin, hoggaamiyeyaasha dhaqanka ,siyaasiyiin iyo dadweyne kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka.

Waxaa goobta ka hadlay Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga dheere) oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka Jubbooyinka, isagoo ciidul-fidriga awgeed u diray hambalyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan dadka ku nool gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Suldaan Luga-dheere ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee dega halkaas inay ilaaliyaan wada noolashadooda isna cafiyaan, isla markaana taageeraan dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dowlada Soomaaliya ay waddo, isagoo hogaamiyeyasha dhaqanka, siyasiyiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanka kasoo jeeda Jubbooyinka inay door muuqda ka qaataan ka miro dhalinta nabadda gobolladaas, dagaal dambana uusan ka dhicin.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Ethiopia oo doorka ay kaga jirto dadaallada lagu xasilinayo arrimha Jubbooyinka, waxaa kale oo uu mahadceliyey dhammaan dowladaha IGAD, urur Midowga Afrika iyo dhammaan beesha caalamka garab-istaagga ay shacabka Soomaliyeed u muujiyeen .

Ugu dambeyn, Suldaanku wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay si buuxda u taageeraan dowladda federaalka Soomaaliya, howlaha horyaalla ay ugu fududaadaan, isagoo ALLE uga baryay inay ku ciidaan ciiddan teeda kale horumar, barwaaqo, iskana iloobaan dhibaatooyinkii horay loosoo maray kana faa’iideystaan fursadaha ay hadda haystaan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya