4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Munaasibadda Ciidda oo si Weyn looga Xusay Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013(HOL) :- Iyadoo guud ahaan dunida islaamka looga dabaaldegayo farxadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayaa waxa maanta magaalada Kismaayo siweyn looga xusay munaasibadaasi iyadoona dadka reer Kismaayo ay goobo kala duwan ku oogeen saladda ciidda.

Salaadda ciidda ayaa lagu tukaday fagaareyaal kala duwan, sida fagaaraha masjidka loo yaqaan Maflaca ee ku yaal xaafadda Farjanno iyo garoonka weyn ee xarunta Jaamacadda Kismaayo.

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa boqollaal shacab ah salaadda ciidda kula tukaday Xarunta Jaamacadda Kismaayo, wuxuuna salaadda kadib halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda islaamka munaasibadda maalinta ciidda, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan islamarkaana iska ilaabaan colaadihii hore u dhexmaray.

Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in uu wadahadal la galo cid walba oo kasoo horjeedo maamulkiisa, wuxuuna sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan islamarkaana ay wadahadal ku xalliyaan waxwalba oo dhexdooda ah.

Dadka ayaa la arkayay iyagoo koox koox u socdo oo maraya wadooyinka waxaana sidoo kale wejiyadooda laga dheehanayay farxad ku aaddan maalintan qiimaha badan ee ciidda.

Sidoo kale caruurta ayay maanta u ahayd maalin qaas ah, waxaana marka aad ku dhex socoto magaalada ay indhaagu qabanayaan carruur iyagu ku mashquulsan qalabka ay ilmuhu ku dheelaan.

Munaasibaddan ayaa farxad qaas ah u leh muslimiinta ku nool caalamka maadaaama ay soo dhameysteen bishii barakeeysneyd ee Ramadaanka, waxaana maanta sidan si lamid ah looga dabaaldegayaa guud ahaan Soomaaliya gaar ahaanna gobollada Jubooyinka.


 

..........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected] 
Kismaayo-Soomaaliya.