4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ay ka taliso kooxda Al-shabab oo si weyn looga oogay Ciidul-fidriga (SAWRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ka mid ah degmooyinka ay Al-shabaab ka taliso ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo xubno ka tirsan Kooxdan ay dadka ku tujiyeen fagaare weyn.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay degmadaas, iyadoo salaadda kaddib uu hadal ka jeediyay goobta guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Galguduud, Sheekh Xasan Yacquub Cali wuxuuna ku boorriyay dadka ku nool degmadaas inay ka qaybqaataan dagaallada ay ku jirto Al-shabaab.

“Al-shabaab waxaa ka go’an inay dalka oo dhan kusoo rogto ku dhaqanka sharceeda Islaamka, waana in dadku ka qaybqaataan sidii lagu hirgelin lahaa arrintaas,” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo kuwa taageersan aysan joogsan doonin inta ay hadafkooda ka gaarayaan, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan qorshayaal ay gobolka kaga saarayaan kooxo uu sheegay inay kasoo horjeedaan xaqa.

Al-shabaab oo deegaanno badan laga bixiyay labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa weli ka taliya deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Degmada Ceelbuur ayaa ka mid ahayd goobihii Al-shabaab laga qabsaday sannadkii hore, balse ay dib ugu soo laabteen, wuxuuna sheegay Sheekh Xasan Yacquub inay goob walba oo laga saaray ay sidan oo kale dib ugu laaban doonaan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya