4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Muqdisho oo si Weyn looga Ciiday iyo Madaxweynaha Somalia oo Jeediyay Khudbad Dhinacyo badan Taabanaysa (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya, shacabkana ugu baaqay inay is-cafiyaan kana shaqeeyaan nabadda dalka.

Madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa masaajidka isbahaysiga islaamka lala qaybgalay salaaddii ciidda shacab fara badan oo isaga qaybaha kala duwan ee Muqdisho iyo xubno kal tirsan labada gole ee dowladda.

Xasan Sheekh Maxamuud oo tujiyay salaadda dadkii masaajidka isbahaysiga ku tukanayay ayaa salaadda kaddib wuxuu halkaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo fara badan, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay qayb ka qaataan nabad kusoo dabbaalidda dalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa anigoo ka faa’iideysanaya maalinta qiimaha badan inay is-cafiyaan ayna ka qaybqaatana nabadeynta dalka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dad walba ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ku baaqay in ciidamada ammaanka gadcan laga siiyo sidii ay ammaanka ku sugi lahaayeen, isagoo xusay in dowladdu ay diyaar u tahay inay dalka oo dhan islaaxiso.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay awoodda dowladdiisa iyo howlaha horyaalla isgoo sheegay in dowladdiisu lagu sheego inay tabar-yar-tahay oo aysan ciidamadeedu ahayn kuwo awood aan lahay, balse uu doonayo inuu shacabka u sheego in cunug dhashay oo orday uusan jirin, balse uu u baahan yahay korriimo, dowladdiisuna ay cununggaas yar ee dhashay la mid tahay.

"Waxaan rabaa inaan sheego in dowladdu ay tahay mid dhalatay, dowladnimaduna ay si wanaagsan u dhalatay, balse ay u baahan tahay in la barbariyo oo ay korto, shacabkeedana looga baahan yahay inay labadaas gacan ka geystaan, waayo dhaqaalaha ay ku socon lahayd waa mid ku jira gacanta dadweynaha," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh, wuxuu hadal qaaday arrimaha Jubbooyinka isagoo xusay inay dowladdu qaban doono shirweyne loona baahan yahay inay cid walba kasoo qaybgasho, isagoo intaa ku daray inaysan jirin cid loo diidan yahay inay shirkaas kasoo qaybgasho, shirkuna uu yahay mid looga tashanayo aayaha gobolladaas.

Dhanka kale, wuxuu ka digay in la dacwooyin loo qoro ajnabiga, isagoo ku boorriyay dadka uu sheegay inay dhaliilaha qabaan inay habboon tahay inay madaxda u yimaadaan ayna soo jeediyaan waxay qabaan, si wanaagsan oo saraaxad lehna la isula af-garan karo wax walba oo jira. Balse ma jiro cid uu si gaar ah u magacaabay.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa iyaguna hambalyo taa la mid ah u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo weydiistay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda.

Dhanka kale, boqlaal dadweyne ah oo ciidaya ayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho lagu arkayay, kuwaasoo isugu hambalyeynayay maalinta barakeysan ee ciidda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya