4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Dowladda Kenya oo Shuruud ku Xirtray Wareejinta Garoonka Diyaaradaha & Dekedda Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shuruud ku xirtay wareejinta garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta goblka Jubbada Hoose, iyadoo dhawaan ay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somnalia ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen Kampala in maamulka garoonka iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Wargeyska Daily Naition ayaa arrintan ku saabsan oo uu soo daabacay wuxuu ku sheegay in dowladda Kenya ay kasoo horjeesatay go’aankii ay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ku gaareen in maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa waxay qayb ka yihiin howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna bishii September ee sannadkii hore 2012 ka saareen Al-shabaab magaalada Kismaayo, inkastoo magaaladaas ay lugaha la gashay colaado u dhexeeya hoggaamiyeyaal isku haysta maamulka magaaladaas.

Muran siyaasadeed ka dhashay dagaalladii dhawaan ka dhacay Kismaayo ayaa bilihii ugu dambeeyay u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ciidamada Kenya lagu eedeeyay inay la safteen Sheekh Axmed Madoobe oo dagaal la galay hoggaamiye kooxeedyo kale, kaasoo hadda ka taliya magaalada Kismaayo.

“Dowladda Kenya diyaar ayay u tahay inay wareejiso garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo, balse waxay ku wareejinaysaa mas'uul ku yimid hannaan dib u heshiisiineed oo la isku raacsan yahay,” ayuu yiri, Karanja Kibicho oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kibicho ayaa sheegay in haddii ay hadda ciidamada Kenya isaga baxaan Kismaayo ay ku laabanayaan halkii ay markii hore ka yimaadeen (Kenya), isagoo intaa ku daray inuusan shaki ka qabin inay Kismaayo ku laabanayso meesheedii hore (Maamulkii Al-shabaab).

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo u dirtay ururka Midowga Afrika, waxayna dowladdu ku dalbatay qoraalka in ciidamada Kenya laga bedelo Kismaayo lana geeyo ciidammo isku dhaf ah, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo uu ururku ka bixiyay cabashadaas.

Laakiinse, shir toddobaadkan magaalada Kampala ee dalka Uganda ku dhexmaray dalalka ay cididamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

“Ciidamada AMISOM kuma jiraan wax dagaallo ah,” ayuu yiri Zaddock Madiri Syong’oh oo ka tirsan la taliyeyaasha sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, isagoo intaas ku daray. “Haddii ay ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya, waxaa xaqiiqo ah in Al-shabaab ay markiiba la wareegayso goobihii laga xoreeyay.”

Kenya ayaa la sheegay in sababta ay ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya ay tahay sidii ay gudaha Soomaaliya uga sameysan lahayd deegaan ay ka difaacdo xuduudaha dalkeeda oo ay Al-shabaab weerarro joogto ah ku hayaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay wadahadal kula jirta Sheekh Axmed Madoobe oo dowladda Kenya ay iska fogeysay inay taageerto, qorshuhuna uu yahay in lagu wareejiyo maamulka Kismaayo si loo wadaago daqliga kasoo baxa dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya