4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Wafdi ka socda dalka Ingiriiska oo Maanta kula kulmay Magaalada Garoowe Madaxda Sare ee Maamulka Puntland (SAWIRRO)


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda wadanka Ingiriisa, kuwaasoo uu horkacayey safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

Wefdigan oo ay garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyeen madax ka tirsan labada gole ee dowladda, ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxweyne Faroole iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada.

Kulanka labada dhinac oo ay warbaahintu dibadda ka joogtey, waxaa markii uu soo gaba gaboobey waxyaabihii la iskula soo qaaday warbaahinta uga warbixiyey Madaxweyne Faroole iyo safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

Madaxweynaha Puntland oo isagu hadalka ku horeeyey ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysey oo Neil Wigan uu yimaado Puntland - tan iyo markii xilkaas loo soo magacabaay. Wuxuuna intaas raaciyey in xiriir fiicani uu ka dhexeeyo Puntland iyo dowladda Ingiriiska.

Dr. Faroole ayaa dhianca kale sheegay in qodobada ay wefdiga Ingiriiska kawada hadleen uu kamid yahay khilaafka soo kala dhex galay Puntland iyo dowladda dhexe ee Federaalka. Go'aanka ay Puntland qaadatay ee ah in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka ayuu ku tilmaamay mid dhab ah oo aan la dhayalsan karin.

Neil Wigan ayaa isna dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ku soo gaarey Puntland - oo ah tii ugu horeysey- isagoo dhinaca kale uga mahadceliyey madaxweynaha Puntland sida fiican ee isaga iyo wefdigiisa loo soo dhoweeyey.

Xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka ayuu sheegay in uu yahay mid aad u fiican. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Puntland ay horumar ballaaran ka sameysay dhinaca nabad gelyada iyo horumarka arintaasoo uu ku tilmaamay mid soo dhoweyn mudan.

Booqashada safiirka cusub ee dalka Ingiriiska u joogi doona Soomaaliya uu maanta kusoo gaarey magaalada Garoowe, waxay kusoo aadeysaa maalin kaddib markii ay dowladda Puntland shaacisay in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya