4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
PROF. CABDIWELI GAAS: "Waxaan ahay Musharrax u Taagan xilka Madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Puntland"


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya  Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland.

Prof. Cabdiweli ayaa sheegay in kaddib markii uu qiimeyn ballaaran ku sameeyey xaaladda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Puntland ay usoo baxday in Puntland ay u baahan tahay isbeddel.

Midnimada dadkii wada sameystay deegaanada Puntland ayuu sheegay in ay luntay, isagoo intaas raaciyey in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan loosoo celiyo, maadaama ay midnimadu asaas u tahay horumarka.

Musharraxnimadiisa ayuu u sababeeyey codsi uga yimid dadweynaha Puntland, oo sida uu sheegay u abbaaray in Puntland ay xilligan u baahan tahay hoggaamiye danta guud kahor mariya midda gaarka ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Markaan tixgaliyey codsiyo tira badan oo iiga imaanayey bulshaweynta Puntland iyagoo quudaraynaya in aan wax ka badali karo hanaanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Puntland ku sugantahay, iyagoo dabcan ka shidaal qaadanaya isbedelkii mugga lahaa ee aan ka suubinay dawladda Soomaaliyeed,Waxaan go’aansaday in aan isu soo taago tartanka madaxweynanimo ee Puntland ee bisha January horaanteeda 2014" C/weli Gaas ayaa yiri.

Horay waxaa loo shaaciyey in ay u sharraxan yihiin xilka madaxweyne nimada ee Puntland siyaasiyiin badan oo ay qaarkood xilal kala duwan kasoo qabteen xukuumadihii Puntland ee ka horeeyey midda hadda ka talisa Puntland ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya