4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Wasiirro ka Qayb-galay Olole Nadaafadeed Cayayaannada looga buufinayo goobaha lagu shubo Qashinka Xoolaha (SAWIRRO)


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasiiradda Caafimaadka iyo deegaanka oo booqday goobta Qashinka xoolaha la qalo ka soo hadho lagu shubo ee magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybqaatay olole buufin ah oo lagu samaynayey goobaha lagu shubo qashinka xoolaha ka hadho oo ay ka dhasheen cayayaan fidin kara cudurada.

Goobtan dhiiga iyo qashinka xoolaha lagu shubo oo ku taalla bariga magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka dhashay cayayaan abuuri kara cuduro halis galin kara caafimaadka bani’aadamka, waxaanay wasiiradan iyo qaar ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa ay indhahoogu ku soo arkeen dhibaatada caafimaad daro ee ka dhalankarta goobahan dhiiga iyo hadhaaga xoolaha lagu shubo oo ka fogeyn magaaladda.

Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka,Deegaanka iyo Wasiir ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa ka qaybqaatay olole lagu buufinayay balayadda lagu shubo hadhaaga qaliinka Xoolaha ee Magaalada Hargaysa, waxaanay si toboracaad  u fulinaysay  shirkad ka shaqaysa maareynta Qashinka, taas oo ku buufinaysay qalab casri ah oo cayayaanka ku laynaysey.

Agaasimaha shirkadan Yuusuf Axmed, ayaa ka dayriyey dhibaatadda ay caafimaad darada qashinkani ku keeni karaan dadweynaha ka ag dhow, waxaanu ku baaqay in wax laga qabto oo dawlad iyo shacabka la iskugu tago sidii nadaafadda looga shaqayn lahaa.

Agaasimahan ayaa sheegay in  wasaarada caafimaadka iyo hay’adda caafimaadka aduunka ay sanadkii hore ka sameeyeen cilmi baadhis ku saabsan xaalada dhabta ah ee ka jirta Ceelasha dhiiga xoolaha lagu shubo ee Naasahablood iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaanu intaas ku daray in  Goobtani noqotay meel dikhoowday, oo ay dul guurayaan dhamaan cayayaanka cudurada faafiya  sida dirxi, duqsiga, Haad iyo xuur faro badan, Eey, Dacawo,Doofaar,Waraabe,Bisado iyo dhamaan xayawaanka hilib cunka ah.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa tilmaantay baahida weyn ee loo qabo in la ilaaliyo goobaha qashin qubka si saxada caafimaadka bulshadu u hagaagto.

Wasiirka Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa iyaduna sheegtay Sida ay Wasaarad ahaan uga Go’an tahay ilaalinta Goobaha Qashin Qubka ee Caasimada.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleeban Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa ku nuux nuuxsaday in wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin in la daryeelo caafimaadka bulshada si hadhaaga Qashinku aanu saamayn Caafimaad ugu yeelan bulshada.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo balanqaaday in qaybta kaga beegan Goobta Qashin qubka ay Saxadeeda Wanaajin doonaan.

Waa markii ugu horeysay ee la buufiyo goobaha dhiiga lagu shubo oo mararka qaarkood daadadku qaadeen, isla markaan dadka iyo xooluhuba ka cabaan, taasina ay halis caafimaad ku keeni karto dadweynaha.





Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland