4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Maamul goboleedka Puntland oo si rasmi ah u sheegay inuu hakiyay xiriirkii uu la lahaayeen Dowladda Federaalka Somalia


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

Warsaxaafaded ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in tan iyo markii la dhisay Puntland 1998-kii ay wadashaqeyn wanaagsan kala dhexeysay dowladihii soo maray dalka, ayna qayb weyn ka qaadatay dhismaha dowladda federaalka ah ee hadda jirta, iyo sidii nabadda lagu gaarsiin lahaa dhammaan deegaannada ay colaaduhu ka jireen, balse dowladda hadda jirta fal-celintii dadaalkaas kama aysan soo bixin.

Dowladda federaalka ah ee cusub waxaa laga filayay nidaam ku dhisan hab federaal ah oo xisbiyada badan ku dhisan. Haseyeeshee tan iyo September 2012-kii markii la dhisay waxay dib ugu noqday colaadihii, barakicintii, qab-yaalad iyo kala fogaansho, is-qabqabsi  siyaadeed iyo iyadoo tixgalin la’aan iyo xad-gudubyo dhinac kasta ah ku sameysay dastuurka federaalka  ah ee Soomaaliya oo kan rasmiga ah ay saxiixayaashi Roadmap-ka iyo wakiilkii Qaramada Midoobay ku  saxiixeen Nairobi June 22, 2012. War saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada  Midoobay ee July 25, 2012, wuxuu aqoonsaday dastuurka federaalka KMG ah ee rasmiga ah, waxaana ku qornayd (Inuu soo dhaweeyay hormarkii laga gaaray Road-map-ka iyo heshiisyada la xiriira, uuna ka mid  tahay heshiiskii June [2012] ee Nairobi Protocols iyo baahinta Dastuurka qabyada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Puntland soo saartay.

Sidoo kale, Puntland waxay warkeeda ku sheegtay in iyadoo qiimaynaysa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka ay sii waday wadahadaladii siyaasadeed ee ay la lahayd dowladda federaalka; waxayna Puntland soo dhawaysay baa lagu yiri rai’sul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo safar ku tagay Garoowe (March 9-11, 2013) iyo safarkii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud uu isna ku tagay Garowe (April 28-29, 2013).

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa sheeegay baa lagu yiri war-saxaafadeedka inuu qoraalo u diray madaxda dowladda Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo Qaramada Midoobay, isagoo cambaareeyay faragelin lagu sameeyay dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, Puntland waxay eedeymo kala duwan u soo jeedisay dowladda Soomaaliya, mana jiro hadal kasoo baxay go’aanka maamulkan uu ku gaaray inuu xiriirkii uu la lahaa ku hakiyo dowladda oo kasoo baxya madaxda dowladda Soomaaliya.

HALKAN KA AKHRISO QODOBBADII AY PUNTLAND KU EEDEYSYA DFS

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya