4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Maxkamadda Hargeysa oo min 10-Sano oo Xarig ah ku riday 21-dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyay Kufsi Wadareed

Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, ayaa min toban sanno ilaa shan sanno  ku xukuntay kow iyo labaatan dhalinyaro ah oo kufsi wadaradeed u gaystay laba hablood oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa, Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Faysal Dhego dhego) ayaa sheegay inay dhalinyaradai qirteen inay dambigaasi sameeyeen, isla markaana labaatan ka mid ah ay falkaasi ku kaceen, halka mid ka mid ahina oo shan sano lagu xukumay la abaabulayey, isla markaana gaadhiga ku soo qaaday ragan kufsiga sameeyey, balse aanu falkaasi isagu samayn.

Falkan ayaa dhacay 25-kii bishii July ee la soo dhaafay waxaana la sheegay in labadaasi Hablood wakhti habeenimo ah ay ay xoog ku kaxaysteen dhallinyaradaasi, ka dibna ay kufsi wadareed kula kaceen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Faysal Dhago-dhago, ayaa sheegay inay kiiskan u hayaan caddaymo badan iyo markhaatiyaal, islamarkaana ay muddo ay baadhitaanno waddeen ku heleen dambigan inay sameeyen.

Kufsiga noocan oo kale ah ayaa kusoo badanaya magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo hablaha kula kaca kufsi wadareed, waxaana inta badan sameeya falalkan dhalinyaro aad u yar yar oo koox koox u socota kuwaas oo cabsi galiya hablaha habeenkii socda.

Ciidamada amniga iyo wasiirka Arrimaha gudaha ayaa balanku qaaday inay talaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada falalka noocaas ah ku kacay, isla markaana sharciga la hor keeni doonno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland