4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Qaar ka mid ah Ciidamadii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Kismaayo oo dib loogu soo celiyay Magaalada (SAWIRRO)



Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Waxaa manata garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday ku dhawaad ilaa 50 askari oo kamid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo.

Dhaawacyadan ayaa waxa lagu soo daweynayay magaalada Gaalgacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana waxaana markii ay soo dagtay diyaaradda halkaasi kusugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka kuwaasoo mid mid u gacan qaaday askartii dhaawaca ahayd ee dib loogu soo celiyay magaalada.

Ciidamadan ayaa deeq caafimaad waxa ay ka heleen maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana dhamaan askarta ay siyaabo kala duwan dhaawacyo uga soo gaareen dagaalladii sedexda maalmood socday ee ka dhacay Kismaayo.

Madaxweeyna maamulka Jubbaland Sheekh Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyay maamul goboleedka Puntland daweynta askartaasi oo uu xusay in markii laga kaxeynayay garoonka ay xaaladoodu ahayd mid aad u liidato.


Ciidamadan maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay adeegyo caafimaad ka heleen maamulka Puntland, iyagoona lagu daweynayay isbital ku yaal magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya