4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Maxkamadda Ciidamada oo Dil ku Fulisay Ruuxii dilay Guddoomiyihii Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Isniin, August 05, 2013 (HOL) —Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fullisay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii guddoomiyihiin golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Xuseen Maryacde.

Toogashada oo ka dhacday gudaha xerrada ciidamada Lama-gallaay ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo sarkaal ka socday maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliyaha booliiska maamulka gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in Mukhtaar Xassan Max'ed oo 18 sano jir ah gacanta lagu soo dhigay 27.11.2012 xiligaa oo uu dil bareer ah u geystay guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Sheekh Max'ed Xusseen Maryacade oo xilka loo doortay maalin ka hor waqtiga la dillay.

“Danbiilaha waxaa maxkamad ciidamada qalabka sida  la soo taagay 7. 2. 2013, waa uu qirtay danbiga ah in uu gacantiisa ku dillay guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobolka, isaga oo sheegay in loo soo dirray dilka nabadoonka, '' ayuu yiri taliyaha qeybta booliiska gobollka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle.

Ugu dambeytii; taliyuhu wuxuu sheegay in xukunkii lagu riday 7.2.2013 lagu fuliyay saakay oo taariikhdu ku beegan tahay 05.8.2013, subaxnimo Isniin ah.

Falkan xukunka dilka ah ee maanta lagu fuliyay gacan ku dhiiglihii ka danbeeyay dilkii guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu fuliyo shaqsi loo soo qabtay in uu si bareer ah dil uga geystay gudaha magaalada, waxaana jira shaqsiyaad loo hayo dilal ka dhacay magaalada kuwasoo la sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono caadaallada.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya