4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin hore oo Siminaar loogu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Siminnaar ku saabsan dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed iyo sida xadgudubyada loo geysto loo yareyn lahaa ayaa waxaa loosoo gabgabeeyay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo xubno kale oo horay xilal uga soo qabtay dalka.

Siminaaka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka ayaa ka socday Muqdisho muddo socday saddex maalmood ah, waxaana intii uu socday la isku dhaafsaday fikarado kala duwan oo ku saabsan xad-gudubyada loo geysto haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed iyo sida loo ilaalin karo xaquuqda aasaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Xiritaankii siminnaarka ayaa waxaa khudbad ka jeedisay Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah guddoomiyaha Somali Family & Child Care Organization (SFCC), iyadoo uga mahadcelisay ka qaybgalayaashii siminnaarkan sida ay waqtigooda ugu hureen mowduucan dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed, iyadoo sheegay in haweenka iyo caruurtu ay yihiin kuwa ugu badan ee xadgudubyada loo geysto.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka, arrimaha bani’aadamnimada, haweenka iyo carruurta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad ka jeedisay xirtaanka siminnaarkan ayaa ka qayb-galayaashii siminnaarka uga mahadcelisay sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb-qaateen siminnaarkan muddadii uu socday, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in muhiimad weyn uu u leeyahaya bulshada Soomaaliyeed.

“Haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed waxay la kulmaan xadgudubyo badan oo ay ka mid yihiin kufsi iyo fara xumeyn, ujeeddada tababarkan loo qabtayna ay tahay sidii loogu baraarugi lahaa dhibaatooyinkaas iyo sidii looga hortegi lahaa,” ayuu tiri xildhibaano Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga xuquuqul aadanaha waxay sheegtay in loo baahan yahay in la helo talooyinka shacabka Soomaaliyeed ee sharciga xuquuqda aadanaha dalka, si loo helo sharci loo dhan yahay oo la horgeeyo golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, xildhibaanad Khadiijo waxay sheegtay in siminnaarkan uu qayb ka ahaa la tashiyo ay qaybaha bulshada Soomaaliyeed kala yeelan doonaan sharciga xuquuqda aadanaha.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya