4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
U diyaar-garowga ciidda oo si weyn laga dareemayo suuqyada waaweyn ee Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose (SAWIRRO)


Axad, August 04, 2013 (HOL) — Xilli maalmo yar ay ka harsanyihiin munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga ayaa waxaa diyaargarow ku aadan munaasibaddaasi laga dareemayaa suuqyada waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Suuqa weyn ee dharka lagu iibiyo ee loo yaqaan balcadka ayaa laga dareemayaa mashquul, iyadoona ay indhahaagu qabanayaan, dhalinyaro, haween iyo carruur ka dukaameeysanaya suuqaasi.

Mashquul kaa lamid  ayaa laga dareemayaa dawaarleyaasha dharka tolo, goobaha ay dumarka isku qurxiyaan iyo weliba goobaha lagu iibiyo macmacaanka.

Qaar kamid ah dad iyagu ka dukaameeysanayay suuqa iyo qaar kale oo carruurtooda u iibinayay waxyaalo ay ku ciidaan oo aan kula kulannay suuqaasi ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan munaasibadda ciidda barakeeysan ee cidul fitriga ee fooda nagu soo heysa.

Suuqa ayaa lagu arkayay caruur ay waalidiintooda wadaan, kuwaas oo loo iibiyay waxyaalo ay ku ciidaan, waxaana sidoo kale maanta aad u mashquulsanaa shirkadaha xawilaadaha kuwaasoo ay dadku ka qaadanayeen lacago ay u soo direen ehelladooda qurbaha ku nool.

Aalaaba marka ay soo dhowyihiin munaasibadaha ciidaha ayaa mashquul laga dareemaa Suuqyada waaweyn ee laga dukaameeysto, haseyeeshee ciiddan ayaa ah mid ay siweyn ugu dabaal degaan guud ahaan muslimiinta ku nool caalamka.






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected] 
Kismaayo-Soomaaliya