Xarakada Al-shabaab oo Degmada Ceelbuur kusoo bandhigay Ciidammo ay Tababar u soo Gabgabeysay (SAWIRRO)


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Gal-guduud kusoo bandhigtay Khamiistii shalay xoogag ka tirsan ciidamadeeda oo bilihii lasoo dhaafay uu tababar u socday.

Ciidamadan ayaa waxay dhoolla-tusyo kala duwan ku sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Gal-guduud, gaar ahaan dhiniciisa bari oo ay Al-shabaab ka taliso, waxaana ciidamadan ay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo kooxdan ay kusoo bandhigto gobolka Gal-guduud.

“Dhawaan ayaa ciidamadan tababarka loosoo xiray, waxayna ka mid noqonayaa kuwa ka dagaalamaya gobollada dalka Soomaaliya qaarkood,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gal-guduud ee Al-shabaab, Sheekh Xasan Yacquub.

Sheekh Yacquub ayaa intaas raaciyey in ciidamadan ay ka mid noqonayaan jabhadda Cali Bin Abii Daalib ee ka dagaalanta gobolada dhexe ee Somalia, isagoo ku boorriyay in laga doonayo inay xoojiyaan dagaalka ay ku jiraan si loogu guuleysto hadafka ay Al-shabaab ka leedahay Soomaaliya.

“Waxaad dagaal kula jirtaa ciidammo Afrikaan ah oo soo duuulay iyo kuwo kale, waxaana la idinka doonayaa inaad u adkeysataan dagaalka aad kula jirtaan, mar walbana aad qalbiga ku haysaan inaad gaaraysaan halka aad higsanaysaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Xasan Yacquub.

Ciidamadan tababarka loosoo xiray ayaa kusoo beegamaya xilli ay gobolka Gal-guduud u magacowday dowladda Soomaaliya guddoomiye cusub, kaasoo xilka kala wareegay maalin kahor guddoomiyihii hore ee gobolkaas.

Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, ayaa waxay sannadkan oo keliya dhowr jeer soo bandhigtay ciidammo ay tababar usoo xirtay, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagaalamayso dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Jimco, August 30, 2013(HOL) — Laba askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubba State ee degmada Kismaayo ayaa maanta ku dhimatay shaqaaqo dhexmaray ciidamada dhexdooda, taasoo ka dhalatay jaad la dhacay.

Jimco, August 30, 2013(HOL) — Kulan maanta ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo, islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Siyaasiyiin, odoyaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Sade ee degta gobollada Jubooyinka ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba State ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay xerada ciidamada xoogga dalka ee 21-aad oo ku taalla magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay dhismaha xeradaas, waxaana xariga ka jaray abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo u dhoofay dalka Sucuudiga halkaasoo la sheegay inuu u tagay cimro iyo ka qaybgalka shir aan faahfaahin laga bixin oo ka dhacayay magaalada Riyadh ee xarunta dalkaas.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay maanta oo Jimco soo saartay in weli gudaha Soomaaliya uu si baahsan uga socdo kufsiga haweenka, iyadoo hay’addu ay xustay inay jiraan dhibbanayaal badan oo aan sheegin kufsiga loo geystay iyagoo ka baqaya inay ceeboobaan.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amniga Muqdisho iyo dagaallada ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-shabaab kaga hadlay maanta hadal uu shacabka Soomaaliyeed uga jeediyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda isagoo ka warbixinayay waxqabadkii dowladdiisa oo hal sano ay u buuxsamayso bisha soo socota ee September.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar shaqo oo qaatay muddo toddobaad ka badan oo ay ku tagay dalka Shiinaha ayaa ka sheegtay shir jaraa'id oo ay ku qabatay garoonka in Shiinuhu uu mashaariic badan oo dib-u-dhis ah ka billaabayo Soomaaliya.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo, ayna kamid ahaayeen, duqa degmada Beledweyn, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa kormeer ku tegey deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay wadahadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa sheegay in howgalka ay ka sameeyeen hoteello ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxwene ku-xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire oo booqday saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Taleex ayaa u sheegay ciidamadii ku suganaa xeradaas in la tayayn doono.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Diyaarad nuuceedu ahaa Boeing 747 oo u kireysnayd shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo garoonka Muqdisho lagu wareejin doono si ay dib u dhis ugu sameyso, diyaaraddan ayaan muddo ku dhow 20-sano kusoo deign garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Jimco, August 30, 2013(HOL) :- Tababarkani oo soconayay muddo laba maalin ah ayaa waxaa haween gaaraya boqol ruux u qabtey ha`yadda Samafalka SADO oo ka shaqeysa horuumarinta arrimaha bulshada, waxaana hay`addan ay ka howlgashaa goballada Bay, Gedo, Jubbooyinka iyo Galgaduud.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Howlgallo baaritaanno ah oo boqollaal lagu qabqabtay ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa oo xalay uu dhacay iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Jimce, August 30, 2013 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Puntland ayaa cambaareeyey xarig muddo saacado ah shalay loogu geystey magaalada Garoowe labo kamid ah weriyeyaasha TV-ga caalamiga ah ee Channel-4 oo laga leeyahay dalka Britain.Weriyeyaasha la xiray oo muddo shan maalmood ah Garoowe ku sugnaa ayaa kala ah Jamaal Maxamed Cismaan iyo filim-qaade Axmed Faarax.

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo muddo saacad ka badan socday ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, iyadoo la sheegayo inay dhinteen shan qof oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaallamay.

Somali News

8/30/2013 9:16 AM EST
Renewed clashes have been reported in Butie, Moyale with Red Cross officials reporting heavy gunfire in the area.

8/30/2013 9:09 AM EST
On Aug. 27, Threat Matrix reported that online jihadists were expressing concern that impending strikes in Syria by the United States will targets jihadists in addition to sites tied to the Syrian regime.

8/30/2013 9:05 AM EST
AchieveMpls, the nonprofit partner of Minneapolis Public Schools, has created a memorial fund to benefit the family of school board member Hussein Samatar, who died of leukemia on Aug. 25. He is survived by his wife, Ubah, and four children. Contributions can be made at any Bremer Bank branch with a personal check, money order or cash designated to the Hussein Samatar Memorial Fund.

8/30/2013 8:59 AM EST
Abdul Aziz Al-Twaijri, a member of the National Council for Palms and Dates, has alleged that huge quantities of Saudi dates are being sold in European markets with a “country of origin” label other than that of Saudi Arabia.

8/30/2013 8:20 AM EST

8/30/2013 8:02 AM EST
After months of tussle, Somalia’s central government on Wednesday agreed to recognize this man, famously known as Ahmed Madobe as the interim leader of the Jubba regions.

8/30/2013 7:57 AM EST
A decision to establish the terms of governance in three southern Somalia areas is a step toward ensuring peace in the country, a U.N. special envoy said.

8/30/2013 7:48 AM EST
A 23-year-old woman admitted Thursday that she lied to a grand jury investigating the long-running case of young men who left Minnesota to join a terrorist group in Somalia.

8/30/2013 7:45 AM EST
Women and children living in Somalia’s makeshift camps for displaced people face a high risk of rape and other sexual violence, Amnesty International said today after returning from a research trip to the country.

8/30/2013 7:41 AM EST
Amnesty International said two decades of conflict have allowed sexual violence to become endemic in Somalia. The human rights group says most victims don’t report the attacks to authorities, fearing stigma.
Click here