4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Xukuumadda Eritrea oo markii ugu horeysay sheegtay inay aqoonsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna Taageerayso

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Eritrea ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud; ayna taageerayaan dadaallada ay ku doonayso xasilinta dalkeeda.

Danjira Eritrea ee Qaramada Midoobay, Araya Desta ayaa sheegay in hadda ay xukuumadda Asmara aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo u aragta inay tahay midda matasha shacabka Soomaaliyeed.

“Xukuumada Eritrea waxay si buuxda u taageeraysaa dadaallada nabadeed ee ay xukuumadda Soomaaliya ku doonayso inay ku xasiliso Soomaaliya,” ayuu yiri Desta oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA-da.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Eritrea inay taageero ciidan iyo mid maaliyadeedba ay siiso Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya oo ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya.

Balse, Asmara ayaa gaashaanka ay ku dhufatay eedeymayaas iyadoo ku sheegtay kuwo la been abuuray oo la doonayo in sumcadeeda wax loogu dhimo, sidoo kale Al-shabaab ayaan weligeed ka hadlin inay taageero ka hesho Eritrea iyo in kale.

Sidoo kale, Desta wuxuu sheegay in Eritrea aysan horay u aqoonsan dowladihii KMG ahaa ee dalka dibaddiisa lagu soo dhisay, madaama ay u arkaysay inay yihiin maamullo aan sharci ahayn, kuwaasoo ku qasbi jiray dadka Soomaaliyeed wax aysan raalli ka ahayn.

“Eritrea waxay si buuxdan u aqoonsan tahay dowladda Somalia iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynaha dowladda, waayo waa mas’uul si sharci ah lagu soo doortay muddo ka badan 40-sano. Tanina waxay fursad taariikhi ah u tahay xiriir ay yeeshaan Soomaaliya iyo Eritrea,” ayuu mar kale yiri dajire Desta.

Ugu dambeyn, danjiraha Eritrea ee Qaramada Midoobay, Araya Desta ayaa ku yiri wargeysigiisa inuu ku dhiirrigelinayo shacabka Soomaaliyeed inay ku xalliyaan khilaaf walba wadahadal iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya