4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo dalalka Caalamka ugu baaqday in ay Maal-gashi ku sameystaan Soomaaliya

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday dalalka caalamka inay maal-gasho ku sameystaan Soomaaliya, kaddib isbedel dhinaca ammaanka ah oo ka dhacay sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay wakaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa.

Wasiiradda ayaa sheegtay in falalkii burcadbadeednimo ee xeebaha Somalia ka dhici jiray ay hoos u dhaceen, lana wiiqay awooddii argagaxisada, taasna ay dhiirri-gelin u tahay ganacsatada caalamka inay Soomaaliya maal-gashi ku sameystaan, maadaama uu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah.

“Waxaan leennahay laba dhibaato oo midi ay tahay burcadbadeedda midda kalena ay tahay argagaxisada,” ayay tiri Fowziyo oo Niarobi kula hadashay Shinwaa.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in 80% ay hoos u dhaceen falalkii burcad-badeednimada marka loo eego labadii sano ee lasoo dhaafay, waana horumar la gaaray ayay hadalkeeda ku dartay. Waxay kaloo xustay in laga gaaray horumarro dagaallada lagula jiro Al-shabaab, iyadoo taageero ay ka geysteen ciidamada AMISOM iyo Midowga Yurub oo dhaqaalaha bixiyay.

“Hadda inta badan dhallinyarada yar-yar waxay billaabeen inay Al-shabaab isaga soo tagaan, taasoo ku keentay niyadda iyo dhaqaale la’aan, waayo innagu waxaan kala wareegnay dhul ballaaran,” ayay wasiiraddu hadalkeeda ku dartay.

Iyadoo sii hadlaysa ayaa waxay tiri: “Waxaan xoreynay deegaanno badan iyo gobollo badan, waxaana ku taagannahay lugtii ugu dambeysay oo aan Al-shabaab dalka uga saari lahayn.”

Wasiiraddu waxay sheegtay maadaama uu ammaanka dib u soo laabtay in Soomaaliya ay u baahan tahay dalka Shiinaha oo kale ah oo ka caawiya sidii dib loogu dhisi lahaa dalka, gaar ahaan kaabayaasha bulshada, gaar ahaan waddooyinka, iskuullada, isbitaallada iyo wixii la mid ah, kaddib 22-sano o colaado ah.

“Shiinaha waxaan kaga mahadcelinaynaa taageerada joogtada ah ee uu nala garab-taagan yahay, tan iyo 19960-kii markaasoo Shiinuhu uu taageeray in Soomaaliya xorriyad la siiyo,” ayay tiri wasiiradda oo intaas ku dartay. “Waxaan aad iyo aad uga rajeynaynaa shacabka iyo xukuumadda Shiinaha inay sii wadaan xiriirka wadashaqeyneed ee labada dal u dhexeeya.”

Fowziyo oo sii hadlaysa ayaa waxay tiri: “Argagaxisadii waan cirib-tirnay hadda, sidaa daraadeed dalkan dahan wuxuu u baahan yahay maal-gashi. Waxaan doonaynaa in shacabka Shiinuhu ay arrintaas ogaadaan haddii ay doonayaan inay Soomaaliya yimaadaan oo ay maalgashadaan.”

“Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu qanisan caalamka haddii hormarin lagu sameeyo,” ayay wasiiraddu hadalkeeda raacisay, iyadoo sii sharraxaysa ayay tiri: “Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin 10 milyan oo qof, laakiin ay leeyihiin dhul-beereed cabirkiisu yahay 8 milyan oo hiktar, wabiyo iyo badda ugu dheer Qaaradda Afrika iyo weliba khayraad aad u badan, sida xoolaha nool, gaas iyo shidaal.”

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in maalgashadayaasha caalamka ee doonaya inay Soomaaliya yimaadaan si ay maalgashi ugu sameystaan ay soo dhaweynayaan ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku imaan karaan, iyagoo heli doona ammaan ku filan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya