4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya shirka dowladda Somalia & Maamulka Jubbaland uga socda Magaalada Addis Ababa

Axad, August 25, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shirka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga socda ergooyinka ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhinacyadu ay ku heshiiyeen dhowr qodob, balse ay weli jiraan kuwo la isku mari la’yahay.

Qodobbada ay dhinacyadu isku raaceen ayaa waxaa ka mid ah in maamul cusub loo sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo lagu magacaabi doono Jubba, uuna si guud u hoggaaminayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in saddex guddoomiye ku xigeen oo ka hoos-shaqeynaya Sheekh Axmed Madoobe la sameeyo, gobol walba oo ka mid ah gobolladana loo sameeyo saddex guddoomiye oo kala maamulaya.

Wararka ayaa waxay intaasku darayaan in lagu heshiiyay in dhaqaalaha ka soo baxa dekedda Kismaayo loo qaybiyo saddex qaybood oo qayb ka mid ah ay qaadanayso dowladda Soomaaliya, qayb kalena maamulka cusub ee loo sameynayo saddexdan gobol iyo qaybta saddexaad oo bulshada gobolladaas loogu adeegayo.

Ergooyinka ayaa waxay isku mari la’yihiin qodob xasaasi ah oo ah cidda sida guud u maamulaysa dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Kismaayo, kaasoo ah midka keenay inay ergooyinku ku kala kacaan shirka. Ergooyinka dhinaca dowladda Soomaaliya ka socda ayaa dalbaday in dowladda loo dhiibo, balse dhinaca Jubbaland ayaa iyaguna dalbaday in maamulka la sameynayo loo daayo inuu dhaqaalaha maamulo.

Inkastoo qodobkaas weli ka isku mari la’yahay ayaa waxaa haddana socda kulammo gooni-gooni ah oo labada dhinac la isku fahamsiinayo, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin dowladda  Itoobiya iyo urur goboleedka IGAD.

Shirka oo lagu waday in maanta lasoo gaba-gabeeyo ayaa waxaa caqabad ku noqday qodobkan la isku hayo, iyadoo la sheegayo in lagu wado in lasoo gabgabeeyo shirka saacadaha soo socda.

Dowladaha Itoobiya iyo IGAD ayaa waxay isku dayayaan in Sheekh Axmed Madoobe ay ku qanciyaan in maamulka dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Kismaayo ay maamusho dowladda Somalia, maadaama shirar hore arrintaas lagu go’aamaiyay.

Ma jiro waqti go’an oo loo qabtay soo gaba-gabeynta shirkan; waxaase rajo weyn laga muujinayaa in dhinacyadu ay is-afgartaan shirka ayna saxiixaan qodobbada ay ku heshiiyaan.

Xubnaha shirkan ka dhex-muuqda ayaa waxaa ka mid ah la taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaadi oo isaguna dhinaca maamulka Jubbaland ka socda.

Wixii warar ah ee shirkan kasoo kordha waxaad kula socon doontaan haddii Alle ogolaado wararkeenna soo socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya