4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
JAMAAL CALI XUSEEN: “Xukuumadda Somaliland waa in ay wax ka qabataa Dooxyadan ay Dadku ku Dhammaanayaan”


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumadda Somaliland ku canaantay wax ka qabasho la’aanta dooxyadda dul mara Wadadda u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa, kaas oo galaaftay nolosha qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland oo uu u dambeeyey Suldaan Bare Shire oo dhawr cisho ka hor uu qaatay dooxaasi.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayey qaar ka mida warbaahinta, isaga oo ka dalbaday xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si degdega wax uga qabato dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, si looga hortago dadka ay qaadayaan.

“Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland, xukuumada laba mid uun ayaa la gudboon inay dooxyadaasi hagaajiso, ta labaad-na waxa weeyaan  inta aan dooxyadaasi la hagaajin ma waxay xukuumadu kari-kari-waydey dhowr askari oo dadka ka ilaaliya marka dooxyadu rogmanayaan inay halkaasi dhigto, markaa arrintaa waa wax sahlan waa inay dawladu ku kacko oo dhowr asri dhigtaa si aanu baabuurna u marin marka ay dooxyadu rogmanayaan”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey dooxyadaasi dadku ku geeriyoodeen, waxaanu intaas ku daray “Dooxyadan dadka dhameynaya waxa looga baahan-yahay kaalintii ay xukuumadu ku lahayd inay si degdega uga qaadato,haddii aan dadka laga celinin marka uu daadku socdo inay dooxyada maraan maalin-ba dad ayaa inaga dhimanaya”.

Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee walaaha ah ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag.

“Waxaan doonayaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro beelaha reer Somaliland ee walaalaha ah dirirtu ku  dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaan leeyahay intii dhimatey ILAAHAY naxariistii janno ha ka wabaariyo inta noolna waa inaynu bad-baadinaa,dagaalku khasaare mooyaane faa’iido ma keeno, markaa walaalayaal heshiiya waxaanan leeyahay Somaliland way ka soo gudubtey wakhtigii dagaalada, waxaanan ugu duceynayaa inuu ILAAHAY labada Beelood ee walaaha ah ee wada-dega inuu bogooda burcad isku mariyo”.

Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi u diray Suldaan Bare Shire oo dhowaan Dooxa Dacar Budhuq uu ku qaaday isagoo u socda dhex dhexaadinta beelo ku diriray bariga Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland