4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 25, 2013
Shirkii Dalalka Geeska Afrika ee Sweden ka socday oo la soo gebagebeeyay (SAWIRRO)

Sabti, August 24, 2013(HOL)—Shirkan oo ay ka qeybgaleen ergooyin badan oo ka kala ytimid dalalka Geeska Afrika  ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo ay ka soo baxday natiijo muhiim ah oo

Shirka oo socday labo maalmood (23—24 Agoosto 2013) ayaa waxay ka qeybgalayaasha yeesheen doodo macno leh, kuwaas dhammaantood la xiriiray kheyraadka dalalka gobolka, Xasaradaha iyo Nabadda gobolka.

Shirkan oo ahaa midkii 12aad oo loo qabto Waddamada Geeska Afrika, isla markaana lagu qabto magaalada Lund ee dalka Sweden ayaa waxaa xusid mudan in sanadkan uu ahaa mid xog badan la isugu keenay, isla markaana ay doodo isku dhaafsadeen aqoonyahannada kala metalayay dalallka Gobolka.

Aqoonyahanno badan oo ka socday dalalka shirkan loo qabto oo kala ah Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Somalia South Sudan iyo Sudan ayaa shirka ku soo bandhigay daraasado iyo baaritaanno ay ku sameeyeen kheyraadka ka buuxa dalalka gobolka, xasaradaha ka jira iyo weliba nabadda, waxayna qaarkood ku kala duwanaayeen fikradaha, halka meelo badanna ay isaga mid ahaayeen.

C/llaahi Jaamac iyo saaxibadiis oo sanad walba si weyn isugu howla qabashada shirka Geeska Afrika ayaa hadal kooban ka jeediyay xiritaanka shirka, wuxuuna si guud ugu mahadceliyay ka qeybgalayaasha shirka, si gaar ahna wuxuu ugu mahadceliyay shir guddoonka shirka oo uu uga mahadceliyay dhabar adeyggii ay muujiyeen intii ay shirka soo hagayeen.

Sidoo kalena Liibaan Cali Wehliye oo ka tirsan qabanqaabiyayaasha shirka Lund ayaa hadal ka jeediyay xiritaanka shirka, wuxuuna u mahadceliyay ka qeybgalayaasha shirka oo meelo kala duwan oo caalamka ah ka yimid, wuxuuna ku dhawaaqay in uu shirka xiran yahay.

Ugu dambeyntiina Shir kasta marka uu dhammaado waxaa waxyaabihii ka soo baxay laga sameeyaa Buug, taasi macnaheedu noqonayo  in 12-kii shire ee la qabtay mid kasta laga soo saaray buug.

Cabdullahi Jaamac oo ah agaasimha hay’adda  Xaruunta Caalamiga ee Dhaqan-Celinta Soomaaliyeed “Somali International Rehabilitation Centre” ayaa u mahadceliyey ka soo qayb-galayaashii shirka wuxuuna sheegay in shirka soo socda lagu falanqeyndoono doorka ay waxbarashada ka qaadan karto nabadgalyada geeska Afrika.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]