4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Labo Habeen oo isku xigta oo Bam-Gacmeed lagu Weeraray Guri uu deggen yahay Guddoomiyaha Maxkamada Baydhabo


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamed oo ah guddoomiyaha ugu sarreeyo maxkamadda degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa laba habeen oo isku xigta waxaa guriga uu ka daggan yahay degmadaas lagu weeraray bam-gacmeed.

Guriga guddoomiyaha oo ku yaalla xaafadda Bardaale ee Baydhabo ayaa la sheegay in marka la weerarayo ay ku sugnaayeen ilaaladiisa oo labo ka mid ay soo gaareen dhaawac aad u culus, balse guddoomiyaha uu ka badaaday weerarradaas is-xigay.

Ciidamada madaniga ee degmada Baydhabo ayaa waxay qabteen qofkii ay ku sheegeen inuu ka dambeeyay weerarradan kaasoo la shegay in sidoo kale lagu qabtay hub iyo waxyaabo kale oo qarxa.

Mas’uuiyiinta ciidamafda madniga ah ee Baydhabo ayaa warkan u sheegay warbaahinta Baydhabo, waxaana taliyaha ciidamadan madaniga oo lagu magacaabi Isaaq Mariixaanoow uu sheegay inay ku dabo-jiraan kuwo kale oo ay ku tuhmayaan inay weerarradan ku lug leeyihiin.

Dhanka kale, degmada baydhabo ayaa waxaa laga sameeyay howlo nadaafad ah, taasoo uu abaablkiisa lahaa ururka haweenka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, waxaana howlahan nadaafadda  ah ka qaybqaatan shacab ay ku jiraan ardayda wax ka barta degmadaas.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa bilhii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan-darro oo lagu beegsanayay xubnaha ugu sarreeya maamulka iyo ciidamada ammaanka ku howlahan

Hiiraan Online, Baydhabo