4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Xaafadaha Magaalada Beledweyne oo Laga Billaabay Nidaamka Dariseynta iyo Tirkoob lagu sameynayo dadka degmada


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka bilaabay xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne howlgal isugu jiray nidaamka deriseynta iyo tirkoob lagu sameynayo tirada dadka ku dhaqan xaafaddaha magaalada.

Qorshahan ama nidaanka deriseynta oo ah mid lagu mataaneynayo xaafaddaha magaalada ayaa dhinaca kale waxaa bar bar socda taalabo qeyb ka ah sugida nabad-galyada, madaama tiro koob guud lagu sameynayo dadka ku dhaqan magaalada oo guri guri loo tira koobayo.

Saacadihii aynu soo dhaafnay ayaa lagu arkayay qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada shaqaalle maamulka degmadu uu u tababaray fulinta nidaanka deriseynta iyo tira koobka dadka oo booqanaya guryaha su'aalana weydiinaya waalidiin.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka oo ay HOL wax ka weydiisay faa'iidada ku jirta qorshahan waxaa ay  sheegeen in uu wax weyn ka tarayo ammniga, waxbarashada, caafimaad, iyo tirkoobka oo muuhiimad gaar ah u leh sida ay sheegeen in la socoshada hadba dadka ku soo kordha magaalada, madaama la og yahay tirada rasmiga ah ee ku nool guri walba oo ka tirsan xaafaddaha magaalada.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay talaabadan uu qaaday maamulka gobolka, iyaga oo ku tilmaamay in haddii laga dhabeeyo tahay arin wax weyn ka tari doonta iska warqabka xaafaddaha magaalada iyo la socoshada xaaladaha nabad-galyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya