4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Booliska Puntland ee Garoowe oo fashiliyey qarax miino

Sabti, August 24, 2013 (HOL) —
Ciidamada ammaanka ee magaalada Garoowe ayaa xalay fashiliyey miino nooca meelaha fog laga hago ah oo la dhigey meel u dhow guriga wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed.

Taliyaha booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare C/raxmaan Xaaji Abshir "Qaan-qaan" oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa ka war-bixiyey miinadan iyo weliba sida ay ciidamada ugu suurta gashay in ay fashiliyaan.

Taliye Qaan-qaan ayaa sheegay in dadweynaha ku dhaqan aagga miinada la dhigay ay lasoo xiriireen ciidamada, kaddibna ay halkaas ciidamadu gaareen, laguna guuleystey in la qarxiyo iyadoo aan wax khasaare ah geysan.

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay dadweynaha Garoowe - oo uu ku ammaanay in ay ciidamada si fiican ula shaqeeyaan - in ay sii dardar geliyaan kaalinta ay ka qaataan xoojinta ammaanka iyo sidii looga hortegi lahaa wax walba oo ammaanka wax u dhimi kara.

Taliyaha booliska gobolka Nugaal ayaa ugu dambeyntii sheegay in ciidamadu ay wadaan baaritaan xooggan oo lagu raad-goobayo dad la tuhunsan yahay in ay falkan ka dambeeyeen, wixii macluumad ah oo baaritaankan kasoo baxana ay dib war-baahinta uga soo bandhigi doonaan.

Xaafadda bamkan la dhigay ee 1-da August, waxaa ku yaal inta badan xarumaha dowladda Puntland iyo sidoo kale xarumaha hay'adaha caalamaiga ee Qaramada Midoobey.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya